Hargeysa(Dawan)Hay,adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka ayaa kaalmo raashina gaadhsiisay dadka baahiyaha gaarka qaba ee laxaadka la ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Hay,ada u diyaargarowga aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa uga mahadnaqay Dawlada Qadar oo kaalmadaas Raashinka soo gaadhsiiyay dalka.Waxaanu yidhi”Waxa aan u mahadnaqayaa oo na soo gaadhsiiyay Dawlada Qadar Amiirka Qadar iyo shacabkeeda oo mucaawimadan aanu qaybinayno dadka laxaadka la ee Indhaha la ama dhagaha la ee Naafada,waxaana dalka ka jira culaysyo Cunto nololeed ayaa dalka ka jira iyo abaaro 250 Kun oo qoys ayaa u baahan Cunto la gaadhsiiyo Roobabkii dayrta iyo Guga oo aan la helin ayaa saameeyay dadkii Xoolo dhaqatada ahaa ee dagan Somaliland Gobalada dalka oo dhan abaartu waaka jirtaa Bari iyo Galbeed Dawlada Qadar wixii ay nagala qaban karto xaga Mucaawimooyina in ay noo soo dirto ayaan ka codsanaynaa,”.
Sidoo kale Agaasimaha dalada guud ee Naafada Maxamed Axmed Ciise oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa ayaa uga mahadnaqay Hay,ada u diyaargarowga aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka deeqdan Raashinka ee la soo gaadhiiiyay,