Madaxweynaha Somaliland oo Bogaadiyay Tallaabo Xisbiga WADDANI Qaaday

0
412

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku bogaadiyay tallaabo uu qaaday oo suura gelinaysa in hawlaha doorashooyinka kala dambeeya loo gudbo qabsoomidooda.

Waxaanu    Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland,ka dib markii xubnihii hore ee gudida doorashooyinka qaranka khilaaf dhexdooda ka qarxay uu sababay in ay is casilaan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha, ayaa u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu manta (shalay) oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 07/06/2022 uu Xisbiga Waddani ka guddoomay warqad summaddeedu tahay TIX/XIS/WAD/XDH/2885/2022, kuna taariikhaysan 07/06/2022, ujeeddadeeduna tahay: Magacaabista Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu uga mahad-celinayaa Xisbiga WADDANI sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in Hay’adaha kale ee Qaranka ee xubnaha ku leh magacaabista Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan xubinta ama xubnahooda si loogu gudbo wajiga xiga.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland

 

 

Leave a Reply