Xukuumadda iyo Warbaahinta Madaxabannaan oo Kulan wada Yeeshay

0
381

 

Khadar.M.Dhako.

Hargeysa(Dawan):-Xukuumadda Somaliland iyo warbaahinta madaxabannaan ayaa wada yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen sidii looga wada shaqayn lahaa danta caamka ah ee qaranka.

Kulan shalay ku qabsoomay xarunta wasaaradda  Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta

Kulankaas ayaa waxa lagaga Wadahadlay Masuuliyadda ka saaran Qaranka Warbaahinta iyo  xoojinta wada shaqaynta  Xukuumadda.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa  sheegay  in Saxaafada  masuuliyadi ka saarantahay qaranka.Waxaanu yidhi”Ka saxaafad ahaan waxa idin saaran, Masuuliyad la mida ta saaran masuuliyiinta kale ee Qaranka,Xukuumadda waxa ay matashaa shacabka iyo qof kasta oo Muwaadina oo reer Somaliland  ah Somaliland Madaxweyne la doortay ayaa jira Madaxweynuhu gole wasiiro ayuu sii igamadaa,Qaranku sharci ayuu leeyahay iyo Dastuur iyo xeerar laga dheegto.waxa aynu rabnaa si walaalnimo ah in aynu ku wadashaqayno oo Qaran kani halka uu ka soo dhaqaaqay iyo  halka uu doonayo ku wada shaqayno,”.

Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa  sheegay in kulanku ku sahabsanyahay in laga wadahadlo wixii ismaan dhaaf ah ee ka dhex dhasha Warbaahinta iyo Xukuumadda Waxaanu yidhi”Hadii qoladiina Saxaafadu u haysataan in Dawladdu idin cabudhinayso oo xuquuqdii saxaafada diidan tahay,Xukuumaduna  u haysato qolo qaranka duminaysa waa ismaan dhaaf waa in markaa wax layska waydiiyo,oo aynu ka wadahadalno sida ay wax u  jiraan,”.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Tignoojiyadda iyo Isgaadhsiinta Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay xeer qaban kara
Social Media.Waxaana uu yidhi”Waxa aynu u baahanahay  marka ay noqoto Social Media waa in aynu samayno xeer qaban kara maxaa la baahinayaa maxaan la baahin karin,mana noqonayso waxa aad jeceshahay kaligaa in tabiso ma,noqonayso.maxaana dhaxaynaya  qofka saxafiga ah ee ku shaqaysanaya Social Media iyo qof ka Caadiga ah ee  Magaalada iska jooga,”.

 

Leave a Reply