Dhaqaalaha Iyo Horumarku Waa Nabadda!

0
537

Dalal badan oo dunida ka mid ah ayay ka dheceen dagaalo iyo iska horimaad, laakiin marka laga heshiiyo halkaasi ayaa lagu xidhaa oo ay ku dhamaadaan.

Tusaale ahaan dalka South Afrika, markii uu talada dalkaasi hayay cadaanku waxa dhex maray dagaalo iyo iska horimaad joogto ah.

Haddaba markii dalkaasi xoriyadiisa ka qaatay cadaankii waxay sameeyeen inay iska iloobaan wixii dhexdooda ah oo ay dalkooda dhistaan.

Sanadkii 1994 cafiskii guud ee dalkaasi ka dhacay waxa horseeday hogaamiyihii Nelson Mandela, iyadoo shacbigii dalkaasina midoobay.

Arintaasi ayaa horseeday in South Africa ay maanta ka mid noqoto dalalka dunida ugu dhaqaalaha sareeya waxaana uu noqday dalka Africanka ah ee lagu qabtay Ciyaaraha koobka Adunka.

 

Eric jemu wuxu  muwaadiniinta dalkaasi waa 58 sao, wuxu ku ganacsadaa dukaan, laakiin waxa uu usoo joogay wixii dhibaato dhex maray dadkaasi ayaa waraysi uu siiyaya wargeyska Daily News ee Ka soo  baxa dalkaasi ku yidhi :” Dhibaatada haysatay dalka in lagu baxao waxay ahayd mid adag, waxay ahaayeen kuwo isu wada cadow ah oo nacayb xumi ka dhexeeyo, laakiin erayga ah hala is saamaxo ayaa meesha ka saaray xumaantii oo dhan”. “ Haddii qof kastaa isku deyi lahaa inuu ka aarsado wixii loo geystay, xal lama helayn waxaana uu socon lahaa qarniyo, madaama muranku ahaa qabiil iyo deegaano la isku haysto”.

Waxa fiica in haddii mushkuladda la iska saamaxo aan wakhti kasta dadka danbe ee aa war u hayn la xusuusiyo.

Leave a Reply