SOOYAALKA RADIO-HARGEYSA

0
95
taariikhdii Raadio Hargaysa
taariikhdii Raadio Hargaysa

Waxa ururiyey: Cabdirisaaq Abshir Ibraahin

Crisaaqabshir81@gmail.com

Qaybtii 2-aad

 

REEDHYOW SOOMAALI

 

Muddo yar kadib waxa idaacadda laga bedelay magicii ay hawada kusoo gashay ee Radio-Kudhi waxaana loo bedelay oo loo bixiyey (Radio-Soomaal) iyadoo xilligaasi magaca laga bedelay kor loo qaaday awooda baahinta ee idaacadda oo ahayd idaacadda dadka Soomaalida ah waxaana lagu furi jirey (Halkani waa Hargeysa, Reedhyow Soomaal.) waxaynu hore u soo sheegnay in idaacaddan Hargeysi ay ahayd warbaahintii ugu horaysay ee af-soomaali ku hadasha balse akhriste reedhyowgani waa kii ugu horeeyey ee laga taagay gobalkan Geeska-Africa iyo dalal badan oo ku yaala Bariga-Africa(East Africa).

 

* Isla xilligaasi Reedhyow Hargeysa waxa uu bilaabay inuu qaybta ugu weyn ka qaato kobcinta iyo eray-bixinta(Terminology) af-soomaaliga ,ururinta iyo kobcinta Fanka & suugaanta Soomaalida,Muusiga soomaalida ,gabayada,riwaayadaha raadiyaha, soo saarida fannaaniin ,jilayaal iyo dad muusigga tuma.

 

* Xilliyadii hore wararka idaacadda laga sii deynayo ama heesta idaacaddu baahinayso toos ayay fannaaniintu ama wariyaha sheegaya war ama barnaamij ay u soo hor fadhiisan jireen cod baahiyaha ,baahinta idaacadduna may lahayn duubitaan (recoarding)  ee waxay ahayd mid toos u baxda oo ( live )ah . Taas oo  sababi jirtey in mararka qaar dadka dariiqa marayaa ay ku soo baydhi jireen  maadaama aanay idaacaddu degenayn dhismaha xayndaabka leh ee ay maanta idaacaddu ku shaqayso .

* Markii la bilaabay recording-ka iyadna waxa ka dhalatay sheeko kale oo layaab leh oo sababta keentay ay ahayd isbedelkan ku yimid baahintii idaacadda ee live-ka ahayd ama sida tooska ah u bixi jirtey oo recording/duubitaanka lagu soo daray ,waxaana AHN Xaaji Cabdi Ayuub la mooday jin sheekadan oo ku timid sidan; AHN Xaaji Cabdi Ayuub  ayaa  soo duubey barnaamij kadib wuu ka yimid idaacadda waxaanu soo galay Masaaajid dabadeed ,waxa isna masaajidka soo galay nin markaas uun dhagaysanayay barnaamijkii uu Xaaji Cabdi Ayuub soo duubey oo idaacadda ka baxayay markii uu arkay Xaaji Cabdi ayuub ayuu ninkii yidhi” Ninkan masaajidka halaga saaro insi maahee waayo hadda ayaan soo dhagaysanayay isagoo idaacadda ka hadlayee,sidee buu ninkani  reedhyowga uga hadlayaa sawkan inala jooga .

* Idaacadda oo kaliya may ahayn ee waxa hoos imanayay xilligaasi Jaraa’idkii (War Soomaali-Side) oo af-ingiriisi kusoo bixi jirey waxa kale oo hoos imanayay kaydkii cajaladaha iyo laan qaabilsan filimada iyo sawirrada oo ka sokow filimadaa iyo sawirradaa la qaadayo waxa jirey filimo wareega oo goballada iyo degmooyinka loo dhigi jirey oo ahaa wacyigalin uu gumaysigu ku fushan jirey ujeedooyinkiisa.

Sidaasi ayay Reedhyow Hargeysi ku noqotay idaacad furan oo u baahan in la jalo taas oo keentay inay ku hoos koraan codad samayntii, heesihii, googoosyadii,ruwaayadihii,maadaysyadii ,kooxo faneed IWM . Waxaana jirtey baahi loo qabay warbaahin horumarisa fanka iyo suugaanta oo markaa la helay waana sababta loo yidhaahdo”Hargeysi waa Hooyadii Fanka ama Hargeysi waa Hoygii Fanka iyo suugaanta “. Waxaana aynu dib ugu yara noqon doonaa heerarkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray fanka iyo suugaanta Soomaalidu inagoo kasoo qaadan doona buugga Maandeeq ee laga qoray suugaantii iyo taariikh nololeedkii AHN Abwaan Saxardiid Jebiye oo kamid ahaa Abwaanadda iyo fannaaniinta Soomaalida kuwoodii ugu waaweynaa .

Lasoco

 

Leave a Reply