Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada oo Doortay Guddoomiye Guddoomiye ku Xigeen Afhayeen iyo Xoghayn

0
400

Khadar.M.Dhako.

Hargeysa(Dawan):-Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa shalay doortay Guddoomiye Guddoomiye ku Xigeen iyo Afhayeen iyo Xoghaye.

Kulan ay  shalay yeesheen xubnaha gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka  ayaa waxaa ay ku doorteen hoggaanka gudida ee ururkaas.

Afhayeenka Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka
Mukhtaar Cabdi Jaamac oo Warbaahinta Qaranka la hadlay waxa uu sheegay in  fadhi ay isugu yimaadeen xubnaha Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ay ku doorteen Guddoomiye Guddoomiye ku Xigeen iyo Afhayeen iyo Xoghayn.

Mukhtaar Cabdi Jaamac oo ka hadlayay doorashada hoggaanka gudida Diwaangalinta ururada Siyaasada waxa uu yidhi”Maanta (shalay) Xubnaha Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka waxa ay ansixiyeen,doorashada Guddoomiyaha Guddoomiye ku Xigeenka iyo Afhayeenka. waxaana u doorteen Guddoomiyaha gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka
Siciid Maxamed Cilmi Siraadle. waxaanay Guddoomiye ku xigeen u doorteen Maxamuud Ismaaciil Xasan  Badde, waxaana Xoghayaha gudida ay u doorteen  Aadan Geedi Qayaad Afhayeenka gudida waxa ay u doorteen Mukhtaar Cabdi Jaamac waxaana saxeexay Doorashadan xubnaha gudida,”.

Leave a Reply