Cisbitaalka Daryeel oo Hargeysa ka Daahfuray olole Indho Jeexis

0
389

Hargeysa (Dawan) Cusbitaalka Daryeel ee magaalada Hargeysa ayaa daahfuray olole isugu jira indha jeexis iyo daaweyn, taasi oo ay iska kaashadeen wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland iyo hay’adda AlBasar.

Agaasimaha cisbitaalka Daryeel Dr. Bashiir oo warbaahinta la wadaagay adeeg bixinta cisbitaalkooda ka socota ayaa sheegay ayaa sheegay in ay farxad u tahay in bulshada qalin loo sameeyo dhanka indhaha ah, isaga oo intaas ku daray in dadka qalinkan loo sameynaya ay tiradoodu gaadhayso 800 oo qof oo indhaha caad kaga dhigay, isaga oo socon doona 7 maalmood, iyada oo lacag la’aan loogu jeexayo indhaha.

Sidoo kale waxa daaweyn dhinaca indhaha ah loogu sameyn doona dad tiradoodu dhan tahay shan kun oo qof.

“Cisbitaalka bulshada ee Daryeel, ahna cisbitaal dawladeed waxa sharaf u ah in uu qaabilo hay’adda Albasar Foundation, oo adeeg bixin caafimaad oo lacag la’aan ah ka fulinaya cisbitaalka daryeel ee magaalada Hargeysa.

Toddoba cisho ayuu soconaya qaliinku waxa adeeg bixin caafimaad loo sameyn doona 800 oo qof,”

“ILLAAHEY ayaa noo soo diray oo aanu ugu mahad naqaynaa, waanu u ducaynayna cidkasta oo la soo baxday hawsha indhaha naloogu jeexay.

Waanu fiinahay hooyo, ILLAAHEY ayaa mahad iska leh, aad iyo aad ayay u wanaagsanayd, qaliinkii nalo sameeyay, imika waan fiicanahay”Ayay yidhaahdeen qaar ka mida dadkii qalinka indhaha iyo daaweynta loogu sameeyay.

 

 

 

 

 

 

Garyaqaan ka Hadlay Sh

Leave a Reply