Raashin loo Qaybiyay Dhallinyaradii Ku Hanti-beeshay Suuqa Waaheen

0
373

Hargeysa (Dawan) Hay’adda qaxoontiga iyo barkacayaasha Qaranka Somaliland, ayaa raashin u qaybisay dhallinyaradii ku hanti beelay masiibadii dabkii qabsaday suuqa weyn ee magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Dhallinyaradan raashinka loo qaybiyay ayaa tiradoodu dhammeyd 25, iyada oo maalgelinta raashinkani bixisay hay’adda IOM, waxana goobta ka hadlay agaasimaha soo noqdayaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Rooble Ibraahim Axmed, waxaanu sheegay in iyaga oo iskaashanaya raashin loo qaybiyay dhallinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya, oo ay saameysay dabkii baabi’iyay suuqa Waaheen.

Waxaanu yidhi.“Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha oo kaashanaysa hay’adda caalamiga ah ee IOM, waxay maanta iska kaashadeen in ay raashin u qaybiyaan dhallinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya, ee waxyeeladu ka soo gaadhay dabkii baabi’iyay suuqa Waaheen, dhallinyaradan oo ganacsiyo yaryar ka furtay suuqa Waaheen.

Waxa aanu ka hay’addo ahaan markasta hegaan ugu jirna sidii dhallinyarada suuqa ku hanti beeshay aanu dib u xoolayn ugu sameyn lahayn,”

“Waxaan halkan uga mahad celiya hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha iyo hay’adda IOM, oo raashin u qaybiyay dhallinyaradii suuqa Waaheen ku hantibeeshay,”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo ku hadlayay afka dhallinyaradii ku hantibeeshay suuqa Waaheen ee rashinka loo qaybiyay.

 

 

 

Leave a Reply