Dareenkii Soo Dhaweynta Madaxweynaha Somaliland

0
353

Ceerigaabo (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaadhay magaalada Ceerigaabo, ayaa lagu soo dhaweeyey dareen ka turjumaya sida ay xukuumaddihii xisbiga Kulmiye ee kala dambeeyey ugu hagar-baxeen horumarinta gobolkaasi maalintii shalay oo Axad ahayd.

Xukuumaddihii Kulmiye ee ay kala hogaaminayeen Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo 2010 ilaa 2017 iyo Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadda xilka haya,ayaa gobolka sanaag ka hirgeliyey labadii mashruuc ee ugu balaadhnaa ee ay dawladdu qabatay, kuwaasoo ah dhismaha Wadada Ceerigaabo iyo dhismaha Dekedda cusub ee laga yagleelay Xeebta Maydh.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin guddoomiyeyaasha labada aqal ee guurtida iyo wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale, ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo kusoo dhaweeyey madaxda gobolka, kuwa degmada, salaadiinta, cuqaasha iyo haldoorka gobolka, kuwaas oo madaxweynaha ku qaabilay calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan, kuna dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ugu talogaleen soo dhaweynta madaxda qaranka.

weftigu waxa ay socod kusoo mareen jidadka waaweyn ee magaalada, waxana halkaas iyaga oo safaf ku jira kusoo dhaweynayey shacabka reer Ceerigaabo oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada shaqo ee madaxweynaha iyo weftiga qaran ugu yimaadeen.

Madaxweynuhu waxa uu xadhigga ka jaray xarunta madaxtooyada cusub ee laga bineeyey duleedka magaalada, taas oo laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka, islamarkaana loo dhammaystiray imkaaniyaadkii dawladnimo ee gobolka.

Salaadiinta, waxgaradka iyo waayeelka reer Sanaag, ayuu madaxweynuhu qaddar mahadnaq ah kula qaatay xarunta cusub ee madaxtooyada, waxana ugu horrayn halkaas kelmedo mahadnaq ah ka jeediyey Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Axmed Cabdi Muuse iyo guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, kuwaasoo uga warbixiyey xaalada gobolka iyo degmada Ceerigaabo, kuna soo dhaweeyey dareen ay ka sidaan shacabka gobolkaasi

Madaxweynaha ayaa dhinaciisa, waxgaradka, waayeelka, salaadiinta iyo maamulka gobolkaba ugaga mahadnaqay sida sharafta iyo milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, isaga oo ku dheeraaday taariikhda waafiga ah ee gobolkaasi leeyahay iyo sida uu mudanaantiisa uu u leeyahay.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Ceerigaabo, ayaa kulamo kala duwan la yeelan doon waxgaradka, haldoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada muddada ay halkanasi ku sugan yihiin.

Leave a Reply