Urur Maxali ah oo ka hadlay isbaddelka Cimilada iyo Degaanka

0
417

Qore:Khadar M Xaashi.

Borama (Dawan) guddoomiyaha Ururka maxaliga ee ADAL CCS,oo xaruntiisa guud ay tahay Boorama Aadan Xuseen Cabdilaahi(Shamsudiin)ayaa ka hadlay is bedelka cimilada iyo deegaanka,isla  iftiimiyay waxyaabaha sababay is bedelka Cimilada.

Guddoomiye Aadan  oo ururkiisu uu ka shaqeeyo illaalinta deegaanka isla markaana illainta deegaanka iyo is bedelka Cimilada wacyi gelin ka sameeya kana hor taga nabaad guurinta bulshada la wadaaga waxyaabaha deegaanka iyo cimilada waxyeelayn kara sida looga hor tago ,ayaa si qoto dheer uga hadlay siyaabaha ay ku timaado is bedelka cimilada.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay is bedelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqda xidhiidhka ka dhexeeya.

Guddoomiyaha ADAL CCS,Aadan Shamsudiin oo ka hadlayay ujeedooyinka loo aasaasay hay’adda ADAl iyo xilligii la aasaasay,ayaa yidhi “waxa la aasaasay 2013 waxaana la ansixiyay 2019-kii oo magacan ADAL CCS, lagu soo kordhiyay (African Development Association For Leadership and Climate Change Solution,) hay’adda ka shaqeyn doonta isbaddelka cimilada degaanka, beeraha iyo bulshada, sababta loo aasaasayna waxa ay ahayd sidii looga hortagilahaa saameynta uu isbaddelka cimiladu ku leeyahay bulshada Somaliland, aqoonyahanadii jaamacada Camuud ka baxay waxa ay gobolka Awdal ku soo kordhiyeen hay’addan isbaddelka cimilada ka shaqaynaysa.

In ilaalintii degaanka meel looga soo wada jeesto, isla markaana ay caawiso dawladda iyo wasaaradda degaanka iyo isbadelka cimilada, in la helo meel bulshadu ay kala socdaan hadba isbadelka cimiladu meeshu marayo, in la helo meel beeralaydu nabaadguurka iyo dalaga beeraha ee xumaaday la daala dhacaya ay talo ka qataan, sida in ay ogaadaan dalagyada xannuunada ku dhaca iyo sidii beeraha loo horumarinlahaa,”

Waxaanu intaa raaciyay Guddoomiye Aadan,isagoo hadalkiisa sii wata.“Isbadalka cimiladu wuxuu  yimaada cimiladeeni caadiga ahayd ee dhulka iyo meel walba laga helayay, waxaanay taasi noqon karta isbadal ku yimaada roobka, oo roobkii oo wakhtigiisi ka guura, isbadel ku yimaada heer kulka kana mida dhulkii oo sii kululaada, ama waxay noqon karta isbadal ku yimaada heerkulka caadiga ah ee goobi ay leedahay, waxa kale oo ay noqon karta isbadal ku yimaada cimilada dhulka guud ahaan, isbadalka cimilada waxa ka mida abaarta soo noqnoqotay oo roobkii oo wakhtigiisi kadib dhaca, isbadalka cimilada waxa lagu garan karaa barafka baddaha oo dhallaala, xaalufka dhulka isna qayb ayuu ka yahay isbadalka cimilada,”

Mar uu ka hadlayay  sida ugu wanaagsan ee lagag ahor tegi karo isbedelka cimilada waxaa uu yidhi.“Isbadalka cimilada waxa lagaga hortagi kara dhirtii asalka ahayd ee degaanka oo la soo celiyo, in dhulka xaalufka laga ilaaliyo, in roobku marka uu inoo da’o biyo xidheeno dadka iyo xooluhu ay ka cabaan la sameeyo, biyahan roobka ee badda galaya oo la joojiyo, in la maareeyo qashinka iyo qaaca qiiqa gaadiidka ee hawada galaya, marka waa in sidii loo yarayn ee tamarta cadceeda loogu guurilahaa qorshe laga yeesho”

Xubin ka mid ah garabka Haweenka ee ADAL CCS oo ka hadlaysay xaaladda abaareed ee dalka guud ahaan ka jirta iyo gaar ahaan gobolka Awdal bulsahdana farriin u dirtay ayaa tidhi.“Abaar baahsan ayaa jirta oo ka dhalatay isbadalka cimilada, waxaan xukuumadda Somaliland ka codsanayna in isbadalka dhanka cimilada ee gobolka Awdal wax weyn laga qabto, in dawlad, shicib iyo cidkastaba ay iska xilsaarto sidii ay isbadalka degaanka sidii wax looga qabanlaha la iska kaashado, bulshaduna ay dhug u yeeshaan waxyaabaha ku keeni kara nabaadguur degaan”

 

Leave a Reply