Golaha Wakiilada Oo Bulshada La Wadaagi Doona Xildhibaanada Xilkooda Gudan Waaya

0
352

Hargeysa- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada JSL oo uu shirgudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Md Siciid Mirre Faarax (Giirre) ayaa waxa Golaha loo akhriyey wareegtada Madaxweynuhu ku magacaabay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka sidoo kalena waxa xildhibaanada loo qaybiyey wax ka bedelka iyo kaabista Gudida dhaqaaluhu ku soo samaysay Xeerka Dakhliga Cashuuraha oo Gudiduna faahfaahin ku samaysay.

Gudoomiye-xigeenka koowaad Md. Siciid ayaa Golaha ku wargeliyey in maalin walba la xaadirin doono mudanayaasha, isla markaana xildhibaanada aan fasaxa ku maqnayna warbaahinta lala wadaagi doono, maalin walba.

Dhinaca kale, Xoghayaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyey xubnaha cusub ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

 

Leave a Reply