Waxa Aan Bogaadinayaa Hawl Wadeenada Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha ee Hargeysa”

0
305

Booqasho aan ku tagay waxa aan kula kulmay adeegayaal u darban gudashada waajibaad nolosha saacidaya. Waa diranayaal dhallinyaro iyo waayeel isugu jira kuwaas oo ku faraxsan in ay qayb ka yihiin dadaal wax tar u leh dadkooda.

Biyuhu sida ay u yihiin il nololeed si la mid ah ayay u yihiin il dhimasho, in shaybaadh la helaana waxay baajinaysaa waxyeelo caafimaad oo bulshada ka soo gaadhi lahayd isticmaalka biyo aan la hubin badqabkooda cabitaan “safe water”.

Cudurka shubanka oo ka mid ah xanuunada ugu caansan ee laga qaado cabitaanka biyaha aan badqabin “unsafe water” waxa sida ku xusan warbixinaha hay’adda caafimaadka adduunka WHO dunida oo dhan lagu qiyaasaa in 4 billion oo kiis oo la diwaan geliyo sannad kastaa ay sababaan dhimashada 1.8 billion qof dadka ugu badan ee nafahooda ku waayaana ay yihiin caruurta da’doodu ka hoosayso shan jirka, waxa kale oo xusid mudan in caruurta da’doodu ka hoosayso shan jirka ee ku dhimata dunida saddexaad ay boqolkiiba shan iyo toban u dhintaan shuban biyoodka ka dhasha isticmaalka biyaha aan badqabkoodu sugnayn.

Shaybaadhkan oo lsba sanno jirsaday waxa uu ku jiraa marxalad lagu farxo waxaana u dhisan qaybaha baadhista ee kala ” physical, biological iyo chemical analysis”.

Waa maxsuul dhiirigelin innaga mudan in aynu aragno  Wakaaladda Biyaha Hargeysi iyada oo qayb ahaan kaashanaysa saaxibada horumarka Ka taageeraa ay suurto gelisay SHAYBAADHKA HUBINTA TAYADA BIYAHA.

Somaliland waa dal koraya oo aan dunida aqoonsi buuxa ka helin sidaa si la mid ah hay’addaha qaranka oo shaqo wayn dalka u haya waxa in badan dabra maqnaanshaha aynu dal ahaan ka maqanahay fagaraasha caalamiga ah sabab la xidhiidha aqoonsi la aanta awgeed, basle waxa nasiib wannaag ah in dastuurka dalku jidaynayo in Somaliland ixtiraamayso kuna dhaqmayso baaqyada caalamiga ah iyo halbeegyada lagu miisaamo heertayeedyada saamaynta togan ku leh nolosha aadamaha.

Tusaale ahaan marka laga hadlayo tayada biyaha waxa jira bayaano caalami ah oo si gaar ah uga hadla qiyaasaha la ogol yahay iyada oo dhinaca kale ay jiraan hay’addo caalami ah oo bixiya shahaadooyinka sugnaanshaha tayada qalabka shaybaadhka iyo cidda ku shaqaynaysaba. Waxa muuqata in masuuliyiinta hormuudka u ah SHAYBAADHKA HUBINTA TAYADA BIYAHA EE HARGEYSI ay hayaan dariiqii guusha iyo geedigii gaadhsiin lahaa in SHAYBAADHKANI ka mid noqdo shaybaadhada haysta aqoonsiga ISO.

Dhawaan waxa ay soo bandhigeen daraasad waa bar bilaw fiican oo horseedaysa in laga baxo ku tiirsanaanta xog aanad wax door ah ku lahayn diyaarinteeda, dunida maanta xogto ama ogaanshuhu waa aasaaska go’aan qaadasha quman ee horseeda in la gaadho horumar waara.

W/Qoray Abdirashid Mohamed Jama Belel

 

 

Leave a Reply