Liverpool Lacagtii ugu Badnayd ee Ciyaartoygeeda u Hurtay Saxeexa Darwin Nunez

0
347

Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxeexa xiddiga Darwin Núñez kaas oo ay ka dhigtay saxeexeeda ugu horeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Liverpool ayaa Darwin Núñez ka dhigtay saxeexeeda ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga iyada oo baanka u jabisay xiddiga 22 jirka ah.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay inay Liverpool haatan si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa xiddiga reer Uruguay kana dhigtay saxeexeeda ugu horeeya ee suuqa xagaaga.

Fabrizio Romano ayaa sheegay inuu Nunez qalinka ku duugi doono heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Liverpool.

Isla saxafiga ayaa sheegay inuu Nunez haatan ku sugan yahay dalka Spain iskuna diyaarinayo inuu u duulo England si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Liverpool una noqdo xiddig Reds ah.

Liverpool ayaa saxeexa Nunez ku garaacday kooxda Man United kuwaasoo aad u doonayay helitaanka xiddiga ka hor intii aanu ogolaan kooxda Klopp.

 

Leave a Reply