Sadio Mane oo ka Huleelay Kooxda Liverpool & Xogta Cusub ee la Xidhiidha Bixitaankiisa

0
418

Xog cusub ayaa kasoo korodhay damaca kooxda kubadda cagta Bayern Munich iyo Sadio Mane ee ah in ay ku midoobaan Allianz Arena, kaddib toddobaadyo la iskugu jawaabayay warbaahinta iyo dalabyada laacibkan oo ay labada kooxood isku celcelinayeen.

Bayern Munich ayaa dalabkii saddexaad ka gudbisay Sadio Mane kaddib laba jeer oo ay Liverpool diiday dalabyo ayt ku sheegtay in ay ka hooseeyaan lacagtii ay ku xidheen iibka xiddiga reer Senegal.

Mane oo bishii hore dhamaadkeeda ku wargeliyey kooxdan, in uu doonayo in uu iska tago iyadoo 12 bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa, ayaa waxa la filayaa in labada kooxood ee Liverpool iyo Bayern Munich ay heshiis buuxa ka gaadhaan iibkiisa toddobaadkan.

Kooxda reer Germany ee Bayern Munich ayaa sare u qaadday lacagta ay ku doonayso inay ku iibsato Sadio Mane waxaanay gaadhsiisay illaa £40 milyan oo Gini oo ahayd lacagtii ay markii horeba dalbanaysay Liverpool, taas oo ka dhigan in hadda ay labada dhinac ka heshioin karayaan iibka laacibkan.

Wargeyska The Telegraph ayaa xaqiijiyey, in Bayern Munich ay £40 milyan oo Gini ka dhigtay dalabkeeda saddexaad, isla markaana ay £10 milyan oo Gini ku kordhisay dalabkeedii hore ee ay Reds iska diidday, waxaanay tani soo dhoweynaysaa in uu Sadio Mane si rasmi ah ugu wareego Bayern Munich.

Xiddiga reer Senegal ayaa soo afjaraya lix sannadood  oo uu ka ciyaaray Anfield oo sannadkii 2016 uu uga soo wareegay SOuthampton, waxaanu guud ahaan u saftay 269ciyaarood oo uu u dhaliyey 120 gool, isaga oo kula guuleystay Premier League,  Champions League, FA Cup, Carabao Cup & Club World Cup.

Leave a Reply