Qosolku Mar Kasta Farxad Maaha

0
404

Mar kasta maaha qosolku mid farxad ku dhamaada, dunida dad badan ayaa u dhintay qosol ku bilaabmay farxad. Thomas Earcart  oo u dhashay Ingiriiska oo ahaa faylasuuf ayaa sanadkii 1660 loo keenay war uu xiisaynayay oo ahaa boqorkii Charles 2, inuu kursiga boqortooyada ku fadhiistay.  Thomas ayaa wakhtigaasi bilaabay qosol farxadeed oo aan joogsi lahayn. Waxaana uu sababay qosolkaasi inay naftu ka baxdo wax yar ka dib markii uu joojin kari waayay. Waxa uu ahaa nin dareenkiisu kacsan yahay oo waxa uu jeclaado is wada raaciya.

Sanadkii 1975 nin shaqaale Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray Michel ayaa dhintay isagoo ka daawanayay Tv-ga taxanayaasha maaweelada ah (musalsal).

Micheil ayaa qosol bilaabay intii uu daawanayay barnaamijka ,laakiin nasiib daro wuu joojin kari waayay muddo 30 daqiiqo, iyadoo markii danbe uu wadnuhu istaagay oo halkaasi ku dhintay. Warqad ay gabadhiisu u qortay barnaamijkaasi ayay uga mahadnaqaday sida fiican ee ay ninkeeda sabab ugu noqdeen inuu faraxsanaado wakhtigii uu dhimanayay.

Leave a Reply