Daraasad; Xab-xabku wuxuu faa’iido u leeyahay Ragga

0
575

Xab-xabka ama Qaraha waa mid u fiican jirkeena, faa’ido badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa lag helaa balse cilmibaarayaal ku sugan dalka Maraykanka ayaa Xab-xabka la barbardhigay kaniiniga Viagra ee kordhiya hammada.

Xabxabka waxaa ku jira kiimiko loo yaqaanno citrulline, taasoo ay ku jirto waxyaabo la mid ah Viagra.

Viagra waxa loo yaqaan “kaniiniga buluuga ah”. Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee UK, Sildenafil waa daawo loo isticmaalo daawaynta dareen la’aanta ragga.

Viagra, oo sidoo kale loo yaqaanno sildenafil, ayaa waxaa markii hore loogu talo galay wadnaha sababta oo ah shaqadeeda ugu muhiimsan waa hagaajinta qulqulka dhiigga iyadoo ballaadhineysa xiidmaha dhiigga oo ay ka mid yihiin halbowlayaasha.

Viagra wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka isla xaddiga kiimikada dabiiciga ah ee citrulline ee laga helo Xab-xabka si la mid ah wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka.

Maadada Citrulline ee ku jirta Xab-xabku waxay dejisaa xididdada dhiigga ee jirka si wareegga dhiigga ee jirka u fiicnaado.

Waxaa cilmi-baaristan samaysay xarunta horumarinta khudradda Texas ee dalka Maraykanka.

Dr. Bhimu Patel oo hoggaaminayay cilmi baaristan lagu sameeyay Xab-xabku ayaa sheegay, “Waxaan la soconnaa in Xab-xabku uu u fiican yahay jirka, weli daraasad ayaa lagu sameynaya waxtarkiisa, waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa kasoo ifbaxaya isticmaalka xabxabka”

Wuxuu intaa ku daray, “Xab-xabka kaliya ah ma saameeyo jirka sida kaniiniga Viagra balse Xab-xabku wuxuu dabciyaa xiddidada dhiigga, ma lahan wax dhibaato ah” Waxa jiraa faa’idooyin kale oo laga helo Xab-xabku:

 

Xab-xabku wuxuu sare u qaadaa biyaha uu baahan yahay jidhku

Aad bay muhiim u tahay in jirka bini’aadamka uu helo biyo ku filan oo dheellitiran. Sababta oo ah xitaa fuuq-bax yar wuxuu kuu horseedi karaa daal, madax-xanuun, murqo xanuun iyo cadaadis dhiigga oo sarreeya.

Xab-xabku wuxuu ka kooban yahay 92% biyo, jirka wuxuu u baahan yahay biyo sidaas darteed waxaa fiican in la isticmaalo Xab-xabka.

 

XIGASHADA SAWIR

Waxaa loo isticmaala dhimista miisaanka: Xab-xabka waxaa ku yar maadada tamarta jirka kordhisa ee Calories, marka xitaa aad cunto xabxab badan ma jirto halis ah in miisaanka jirkaaga uu kordho,Wuxuu wanaajiya maqaarka iyo caafimaadka indhaha

Midabka guduudan, casaanka ee Xab-xabka waxaa ku jiraa nafaqooyin badan. Nafaqooyinkaas waxaa loo yaqaannaa carotenoids. Xab-xabka ayaa qani ku ah maadada beta-carotene oo laga helo Fiitaamiin A.

Waxay qurxisaa maqaarka sidoo kale waxay xoojisaa caafimaadka indhaha.

Wuxuu yareeyaa halista cudurrada kansarka iyo macaanka

Xab-xabka waxaa sidoo kale ku jirtaa maadada Lycopene, jirka ayaa si deg deg ah u nuugaa maadadan.

Waxaa jiraa daraasado ku saabsan lycopene-ka kuwaas muujinayaa in maadadan ay yareyso halista kansarka iyo cudurka macaanka.

 

Leave a Reply