Xanuunka Naadir ah oo ku Dhacay Fannaan Dunida Caanka ka ah?

0
434

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram isla markaana muujinaya dhibaatada uu xanuunka u geystay wejigiisa, ayaa Bieber waxa uu sheegay in laga helay cudurka Ramsay Hunt syndrome (RHS). Lama oga mudada uu fannaankaas uga caafimaadi karo xanuunka. Justin Bieber oo ah fannaan caan ah una dhashay dalka Canada ayaa Jimcihii la soo dhaafay shaaciyay inuu la xanuunsanayo xanuun naadir ah oo asiibay qeyb kamid ah wejigiisa. Arrintaas ayaa dhalisay inuu baajiyo bandhig faneed u qorsheysnaa.

Maxaa sababa xanuunka Ramsey Hunt syndrome?

Ramsey Hunt syndrome (RHS) waxaa sababa fayraska varicella zoster virus (VZV) ee sidoo kale dhaliya furuq-digaagga iyo xanuunka kale ee shingles ee u eg cadhada. RHS ayaa saameeya neerfaha wejiga ee qaabilsan dhaq-dhaqaaqa iyo muujinta dareenka. Sida ay sheegtay hay’adda Facial Palsy ee xarunteedu tahay UK, dadku uu cudurkan ku dhaco ataa u badan kuwa uu carruurnimadoodii haleelay xanuunka furuq-digaagga.

Fayraska VZV ee keena xanuunka furuq-digaagga ayaa ku hara neerfaha, waxaana uu qofka dhibaa oo keliya marka uu hoos u dhaco difaaca jirkiisa. Sidoo kale waxaa fayrsaka kicin kara warwarka badan.

Maxay yihiin astaamaha cudurka?

Sida laga arki karo muuqaalka uu soo dhigay Bieber, xanuunka ayaa saameeya wejiga, maadaama uu wiiqo neerfaha. Sidoo kale waxa uu leeyahay nabro saameeya wejiga, dhegaha iyo gudaha afka. Dadka qaar waxa uu ka saameeyaa maqalka, waxaana uu leeyahay xanuun daran.

Ma la isu gudbin karaa?

Si ka duwan furuq-digaagga iyo Shingles, cudurka RHS ma aha mid ay dadku si fudud isugu daaran karaan. Hase yeeshee dhakhaatiirta ayaa ka digay in dadka aan qaadan tallaalka furuq-digaagga ama shingles uu fayraska ku dhici karo haddii ay taabtaan qof qaba RHS. Ramsey Hunt Syndrome waa xanuun naadir ah. Maraykanka oo kale, waxaa la sheegay in sanadkiiba uu 5 qof oo keliya ka saameeyo kunkii qof. Tusaale ahaan, Kansarka ayaa kunkii qofba waxa uu ku dhacaa 440 qof.

Dhakhaatiirta ayaa dhiigga qofka iyo weliba tijaabooyin kale ku ogaan kara xanuunka RHS.

Waxaa lagu daweyn karaa dawooyinka fayraska la dagaallama, kuwa steroids-ka iyo xanuun baabi’yaha. Jimicsi wejiga ah ayaa soo celin kara neerfaha uu saameeyay xanuunka. Inta badan dadka uu ku dhaco xanuunkan si buuxda ayay uga caafimaadaan, hase yeeshee kuwa uu sida weyn uga saameeyo neerfaha, waxa ay ku qaadataa muddo dheer inay ka caafimaadaan. Waxaa se dhici karta in qeyb kamid ah wejiga qofkaas ama maqalkiisa ay si buuxda uu dareenka uga tago.

 

Leave a Reply