Kenya:Calanka Somaliland oo Baro-bixiyey Dhiggiisa Soomaaliya

0
506

Safiir Dr. Barwaani oo baro-bixiyey Safiirka Soomaaliya kulan shalay lagu casuumay

 Nayroobi-(Dawan):- Safiirka Somaliland  ee Dalka Kenya Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Barwaani) ayaa   baro-bixiyey safiirka Soomaaliya u joogay Kenya Maxamed Axmed . Tarsan, kulan Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyata ku casuumay dublamaasiyiinta dalalka caalamka u jooga dalka Kenya shalay.

Madaxweyne Kenyata oo khudbadiisi u dambaysay u jeedinayey shalay  kulan ku qaabilay dublamaasiyiinta caalamka u jooga dalka Kenya,ka dib markii kulanka dublamaasiyiinta  Madaxweynaha  Kenya uu ku casuumay uu furmay,ayaa waxaa shirkaa ka cadhooday isla markaana iskaga baxay   safiirka Soomaaliya u jooga Kenya , ka dib markii uu ku arkay calanka Somaliland Somaliland  oo ku dhexjira calamadii madasha ka lushay.

Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Dr. Barwaani oo wargeyska Dawan wax ka weydiiyey dhacdada ayaa xaqiijiyey inuu madasha ka baxay Safiirka Soomaaliya, waxaanu yidhi,

“Mardhoweyd ayuu noo soo dhamaaday martiqaad Madaxweynaha dalka Kenya Md. Uhuru Kenyata uu ku sagootiyayey dublamaasiyiinta caalamka u jooga dalka Kenya, isla markaana lagu guddoonsiiyey bilad-sharaf.

Dr. Barwaani ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya kulanka markuu bilaabmay ka soo baxay, balse aanu cidna bixitaankiisu saamayn ku yeelan, ee kulankii martiqaadku jawi fiican ku soo dhamaaday.

 

Leave a Reply