Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo Furay Shir Ku Saabsan Dib U Habaynta Shuruucda Caalamiga Ee Deegaanka

0
381

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Cabdikariim Aadan Cadde, ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka furay shir ku saabsan Dib u habaynta Shuruucda Deegaanka.

Kulankani ayaa qayb ka ahaa kulamo hore oo laga wadahadlayay sidii looga hor tegi lahaa  dhibaatooyinka loo gaysto Deegaanka, iyo saamaynta xun ee ay arrintaasi ku keentay.

Cabdikariim Aadan Cadde, agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa ka warbixiyay u jeedadda iyo qodobadda lagu falan-qayn doono shirkaasi.

Waxaanu sheegay in shirkaasi lagu falan-qayn doono saddex qodob oo muhiim u ah heshiisyadda caalamiga ah ee Deegaanka. Kuwaasoo kala ah ka hor tagga iyo la dagaalanka xaalufka, isbedelka cimiladda iyo dhibaatadiisa iyo falan-qaynteedda.

“Waxaynu maanta (shalay) halkan u fadhinaa in aynu falan-qayno, heshiisyadda caalamiga ah ee Deegaanka oo saddex qodob ka kooban. Kuwaasoo kala ah ka hor tagga iyo la dagaalanka xaalufka, isbedelka cimiladda iyo dhibaatadiisa iyo falan-qaynteedda, iyo habka noolaha iyo deegaanka la isku waafajinayo (biological diversity).

Cid waliba adduunka meel ayay kaga taallaa. Markaa heshiisyadan marka aynu falan-qaynayno, iyo sida ay inaga applicable inoogu yihiin, intiina ka hadli kartaa waa intiina halkan (shirka) joogta, oo aanu anagu u naqaano daneeyeyaasha” ayuu yidhi C/kariin Aadan Cadde.

Agaasimaha guud waxa kaloo uu sheegay in dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladu ay adduunka oo dhan culays weyn ku hayso, iyo xaalufka dalkeenna sida gaarka ah ugu socda iyadoo ay aqoonteenu na iska kooban tahay.

Waxaanu yidhi, “Doodaha aynu ka wada hadalno ayuun baanay ha dhaw ka soo baxayaan wixii qaranka loogu shaqayn lahaa. Waad og tihiin culayska adduunka oo dhan haysta, ee xagga isbedelka cimiladda, iyo xaalufka dalkeenna sida gaarka ah ugu socda, iyo aqoonteenna oo iska kooban tahay.

Inkastoo aynu dedaalayno dawlad ahaan iyo bulsho ahaanba, markaa waxaa la inaga doonayaa in aynu Maskaxda tuujino. Doodaha iyo falan-qaynteenu waa mid iska furan, oo haayad kasta iyo qof kastaba u furan. Waana mid aynu rabno in ay inooga soo baxaan maxsuul ah, in aynu ku shaqayn karno”.

Geesta kale waxaa shirkaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah ee wasaaradda deegaanka wada shaqaynta leeyihiin.

 

 

Leave a Reply