Jendayi Franzer oo Qirtay Sharcinnimada Aqoonsiga Somaliland iyo Waddamo Taageersanaa

0
442

 

Washington-(Dawan):- Jendayi Frazer oo ka hadashay horumarka siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay mudnayd aqoonsi caalami ah oo Maraykanku siiyo Somaliland, isla markaana ay jireen waddamo afrikaan ah oo taageersanaa madaxbanaanida Somaliland iyo kuwo ka soo horjeeday.

Ms. Frazer, oo door sare ka soo qabatay maamulkii George W.Bush, sida kaaliyaha gaarka ah ee madaxweynaha iyo agaasimaha sare ee arrimaha Afrika ee Golaha Amniga Qaranka 2001 ilaa 2004 ugu dambeyntii kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika 2005 illaa 2009, oo Council on Foreign Affairs wareysi dheer kala yeelatay waayaheedii shaqada shalay, isla markaana waregyska DAWAN idiin soo tujumay qeybtii ay kaga hadashay Somaliland ayaa ku bilaabmaysa su’aal laga weydiiyey siyaasadii Somaliland ee xukuumadii Bush ay dhaxleen.

Jendayi Franzer ayaa sheegtay inaanay jirin siyaad dhigan oo maamulkii Bush ka lahaayeen Somaliland, ama xukuumadii ka horeysay ee Clinton ay ka dhaxleen. Mabda’ ahaan, maamulka Bush waxuu lahaa siyaasad ku dhisan, marka laga eego dhanka istaraatiijiyada, la macaamilka dalalka waaweyn. Kuwa awood iyo saamayn ku yeelan kara deegaankooda, sida Koonfur Afrika, Nigeria, Kenya, Itoobiya, iyo weliba waddamadda yar yar ee sida wanaagsan u soo baxay oo doorashooyin dimuqraadi ah ka dhacayeen sida, Mali, Senegal, Botswana, iyo Mozambique.

 

Markaa runtii, isku day inaad taageerto maamul wanaaga iyo xasilloonida gobolka. Si wax ku ool ah, haddii aad u fiirsato shuruudahaa, wax macno ah may samayn in Somaliland laga tago, aniga aragtidayda, oo ah waddan wax ku ool ah oo madaxbannaan marka la barbar dhigo Soomaaliya, oo ah waddan ku madaxbannaan taageero dibadeed.

Franzer ayaa sheegtay in dhab ahaantii, haddaynu dib ugu laabano Soomaaliya, dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya iyo dawladda federaalka ayaa ka soo baxay wadahadallo nabadeed oo kala duwan oo fagaarayaal kala duwan ah. Wada-hadalladii Jabuuti, wada-hadalladii Kenya, Markaa taasi waxay ahayd macnaha guud. Waxaan dareemay inay mudnayd inaan aqoonsanno madax-banaanida Somaliland. Dalkani waa dal hore loogu aqoonsaday inuu yahay dal madax-bannaan, markii ay xornimada qaadatay 1960-kii, balse waxay si mutadawac ah ugu biirtay midnimadii Somaaliya.

Laakiin, si degdeg ah ayey shacabkii Somaliland uuga qoomameeyeen midowgaa. Xitaa aftidii June 1961, aqlabiyadda Somaliland way qaadacday, sababtoo ah waxay dareemeen inay reer koonfureedku dusha ka qabsadeen. Markii taliskii Siyaad Barre dhacay 1991kii, waxay la soo noqdeen dawladnimadooda iyo madax-bannaanidoodii. Markaa, halkan waxaynu ku leenahay dawlad haysata taageero xaga hoose bulshada, waddan horumariya dimuqraadiyadda, haddana aan la aqoonsanin? Waxaan dareemay inay mudan yihiin aqoonsiga. Isla markaana ay Midowga Afrika wakiillo u soo direen Somaliland, waxaanay u socdeen sidii ay Somalilandna u aqoonsan lahaayeen.

 

Koonfur Afrika, sababaheeda gaarka ah, waxa ay weligeed ahaan jirtay wadan taageero xooggan la garab taagnaa Somaliland, wakhtigaas, sida aan xasuusto, Kenya iyo Itoobiyaba, waxa ay ahaayeen kuwo si dabacsan u taageersan madaxbannaanida Somaliland.

 

Jabuuti iyo Ugaandha ayaa aad uuga soo horjeeday, sidaan xasuusto. Nayjeeriya waxay lahayd aragti taageero ah. Waxaan dareemay in uu jiro isbahaysi ay hogaamin karaan Midowga Afrika oo taageeri doona madax-bannaanidaas, ka dibna Maraykanku wuxuu ku iman karaa taageero, laakiin weligeed may dhicin.

Leave a Reply