Chelsea oo Go’aankii la Filayay ka Gaadhay Dalab Quudhsi ah oo uga Yimi Inter Milan

0
325

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa go’aan ka gaadhay dalab aad u hooseeyey oo kasoo gaadhay Inter Milan oo doonaysa weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku, kaas oo Blues ay markiiba gaashaanka ku dhufatay.

Inter Milan ayaa shalay xaqiijisay inay dalab ka gudbisay Romelu Lukaku oo ay doonayaan inay heshiis amaah ah kaga soo qaataan Chelsea sannad kaddib markii ay laacibkan ka iibiyeen Blues.

Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa sheegay, in Jimcaha maanta ay labada dhinac isku dayayaan inay soo gunaanadaan wada-xaajoodkooda oo ay heshiis ka gaadhaan Lukaku, hase yeeshee Chelsea ayaa ka biyo diidday dalabkii shalay kasoo gaadhay Inter oo xambaarsanaa lacag aad u hoosaysa.

Kooxda Talyaaniga ayaa usoo bandhigtay Chelsea lacag gaadhaysa £5 milyan oo Gini oo ay ku doonayaan in ay dib ugu helaan Lukaku, balse Blues ayaa diidday in ay lacagtan aadka u hoosaysa ogolaato, waxaanay dalbanaysaa in sannadkii ay Inter Milan bixiso £20 milyan oo Gini.

Inter ayaa waxa kale oo dalabkeeda ku jiray in ay bixin doonto £2 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaanaya bandhigga iyo guulaha uu laacibkani la gaadho, halka uu weeraryahankanina diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa maadaama ay Inter dhaqaale xumo haysato

Xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ee u dhaliyey Inter 24 gool oo horyaalka Serie A ah, ayaa waxa uu isaguna ku riixayaa naadigiisa Chelsea inay u ogolaadaan in uu dib ugu laabto San Siro Stadium, si uu dib ugu heli karo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Leave a Reply