Badbaadinta Cabsida Abuurtay !

0
242

Xajaaj Bin Yuusuf wuxu ahaa amiir aad ugu adag bulshadiisa, maalin isaga oo ku dabaalanaya badda oo kacsan ayay biyihii ka awood bateen Xajaaj oo ku haftay, awoodna u waayay  inuu dabaasho.

Waxase arkayay nin  Muslmiinta ka mid ah oo xeeliga badda taagan dabaashana aad u yaqaana, wuxu ahaa nin wax badan ka og xadgudubkiisa laakiin ma garanayn inuu Xajaaj yahay horena uma arag, waana uu ka badbaadiyay baddii uu ku haftay.

Markii uu debedda u soo saaray ee uu nastay ayuu xajaaj ku yidhi “ Nin wanaagsan ayaad tahaye, anigu waxaan ahay Xajaaj Binu Yusuf markaa iga codso wixii aad doonto si aan abaalkaaga ugu gudo”.

Ninkii ayaa aad u naxay waayo wuxu og yahay sida ay bulshadu u neceb tahay Xajaaj, waxaana uu isku qoomameeyay badbaadintiisa. Markii danbe ayuu ku yidhi “ Waxaan ka codsanayaa hal arrin keliya ee fuli “.
Xajaaj ayaa yidhi waa hagaag ii sheeg . Waxaana ninkii ku yidhi : “Allah ayaan kugu dhaarshee qofna ha u sheegin in aan anigu ku badbaadiyey, taas ayaa aniga abaal-gud igu filan”.

 

Leave a Reply