Qalbiyadii Sabirka Badnaa!

0
331

Saxaabiga Curwa Binu Subayr waxa laga jaray lugta xanuun ku dhacay dartiis isla maalintii laga jaray ayay caruurtiisu dhinteen ka dib markii uu Faras haraatiyay. Waxaana uu yidhi “ Allahayow adigaa mahad leh, Adiga aya jira adiga ayaana xagaaga loo  noqonaya waxaad  isiisay wiilal waana aad iga qaaday, waxaad iigu deeqday afar waaxood waxaadna iga qaaday mid, waxaan ka baryaya inaad Janada nagu kulmiso.

Maalin kale waxa soo galay Majliska Curwa oday da’ oo indha beelay, waxaana lagu yidhi Curwa dhegayso odaygan warakiis ? Odayga ayaa ku yidhi “ Waxaan deganayn meel doox , habeenimo ayaa daad soo rogmaday wuxu qaaday xoolahaygii  iyo ubadkaygii, waxa keliya ee iiga hadhay waxa uu ahaa wiil iyo Awr, awrkii wuu iga baxsaday wiilkiina waxa iga cunay Waraabe.  Curwa ku yidhi “ Markaa Maxaad tidhi ?” Waxaan idhi “ Waxa mahad leh Allah isiiyay qalbi iiman ka buuxo iyo carab mahad naqaya “?  Waa kuwaasi dadkii dhibaatooyinka adag ku sabray ?

Leave a Reply