Ardaydii Dhammaystay 80-kii Dugsiga Faarax Oomar oo Casriyeyn ku Sameeyey Dhismaha Isguulka

0
422

Wasiirka Waxbarashada oo diginin ugu diray inay ka guuraan dad dhexdegan Dugsiga Sare ee Faarax Omaar

Maxamuud Walaaleye

Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Waxbarashada Eng Axmed Maxamed Toorno ayaa shaaca ka qaaday inay diginin u direen dad dhex degan dugsiyada dawladda, sida Dugsiga Faarax Omaar, isla markaana talaabo laga qaadi doono cidda u hogaansami weyda.

Wasiirka Waxbarashada oo ka hadlayey munaasibad dib-u-casriyeyn loogu samaynayey dugsiga Faarax Omaar ayaa amaanay ardaydii hawshan isku xilsaaray, kuna booriyey ardayda kale inay u istaagaan wax ku celinta dugsiyadii ay ka soo aflaxeen.

Gudoomiyaha Ardayda Dugsiga Faarax Oomaar Mudane. Sacad Maxamed Qowdhan, oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay yihiin ardaydii sannadahii 80-kii dhamaystay Dugsiga Saree e Faarax Omaar oo dunnida kala jooga, oo intay is-uruursadeen ku tashaday inay dib wax ugu celiyaan halkii ay aqoonta ka korodhsadeen.

“Ardayda oo kala jooga Hargeysa, Burco, dhamaan gobolada Somaliland, Jigjiga-Itoobiya iyo dhamaan caalamka, sababta ugu weyn waxay ahayd inaan tusaale ugu noqono jiilasha dambe siday dib wax ugu celin lahaayeen dugsiyadii ay wax ku barteen.”

Mudane. Sacad oo ka mid ah ardayda Dugsiga ee Qurbaha ka yimi ayaa sheegay inay dhamaan fasalada Dugsiga Faarax Omaar marmar dhigeen, sidoo kale Daarada subaxii ardaydu istaagto marmar ay dhigayaan. Wejiga labaad ee waxqabadkooda ayuu sheegay Gudoomiye Sacad, inay dib u habayn ku samayn doonaan Laybareeriga dugsiga iyo Deyrka dhinaca dooxa, marka Qoysas degan laga saaro xeyndaabka dugsiga.

Waxuu baaq u diray Ardaydii dhamaysay dugsiga Faarax Omaar iyo inta Waxbarashada daneeya inay kala qeybqaataan wejiga labaad ee dib-u-dhiska iyo casriyeynta dugsiga Faarax Omaar.

Maxamed Cabdillahi Maxamed Adan oo ka mid ah Ardaydii Dugsiga ka baxay 80-kii, isla markaana hawsha dib-u-dhiska Dugsiga Faarax Omaar gacanta ku haya, oo hadal ka jeediyey waxii ay qabteen ayaa sheegay inay dhamaan fasalada marmar cusub dhigeen, sidoo kale daarada iskuulka iyo wajahada dugsiga dhigayaan, sidoo kale Albaabka nooc cusub gelinayaan, biyahii ay soo geliyeen dugsiga, isla markaana musqulaha Wiilasha iyo hablaha dib u sameeyeen, dhamaan agabkii nadaafada ay qolka keydka ugu jiraan.

Maxamed Cabdillahi ayaa sheegay in Ardaydii dugsiga dhamaysay oo laba kooxood isu qeybiyey, qolo walba hawsha qeyb qaadatay inay fuliyaan, isla markaana qolo kale xilqaaday hagaajinta Daaqadaha iyo albaabada dugsiga.

Dugsiga Faarax Omaar noqday dugsigii Afaraad ee ardaydii dhamaysay ay dib u dhis ku samayso, iyadoo hore Dugsiga Maxamuud A. Cali, Dugsiga 26 June iyo Dugsiga Gacan-libaax, loogu sameeyey, waxaana loogu baaqay ardayda dugsiyada kale inay ku deydaan.

Hablo arday ah Xamda Maxamed Axmed, Iqra Ibrahim Caraale iyo Raaqiya, oo ka mid ah ardayda fasalka Afraad ee sannadkan 2022 imtixaanka shahaadiga u fadhiistay oo ka hadlayey isbedelka lagu sameeyey Dugsiga Faarax Omaar ayaa u mahadceliyey dhamaan ardaydii hore u dhamaystay ee isu-xilqaamay dib-u-habaynta dugsigii aqoonta ay ka heleen, waxaanay ugu baaqeen ardayda kale inay ku deydaan.

Maamulaha Dugsiga Faarax Omaar Mr. Axmed Yaasin oo hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey talaabada ardaydii wax ka baratay dugsigu u xusuusteen inay dib u dhis ku sameeyaan, uuguna duceeyey inuu Ilaahay ka abaalmariyo, waxaanu uugu baaqay ardayda kale inay ku deydaan.

Wasiirka Waxbarashada Eng. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey Ardaydii isku xilqaamay dib-u-dhiska Dugsiga Faarax Omaar oo u sheegay inuu ka mid yahay dugsiyada ugu caansan dalka.

Wasiir Eng Axmed Toorno ayaa sheegay in Dawladu hore uuga saartay dad degenaa dugsiyada, isla markaana shacab kale oo dhexdegan dugsiyo diginin u direen inay ka guuraan,

Waxaanu sheegay in Dugsiga Faarax Omaar dadka dhexdegan digniintii haystaan, qofkii mudadda kaga bixi waaya, talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, waxuu ka digay inaan hadhow la odhan mujaahid ama hebel kale ayaa laga saaray gurigiisa, ayuu sheegay Eng Axmed Toorno.

 

Leave a Reply