Wefti Ka Socda Somaliland oo Itoobiya kaga Qayb Gelaya Shir Ku Saabsan Xakamaynta Ka Ganacsiga Sharci Darrada ah ee Duur Joogta

0
249

Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wefti ka socda jamhuuriyadda Somaliland oo dalka Itoobiya kaga qayb gelaya shir ku saabsan ka ganacsiga sharci darrada ah ee Duur joogta ayaa shalay u anba-baxay magaaladda Jig-jiga oo uu shirku ka dhcayo.

Shirkaasi oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa lagaga wada hadli doonaa sidii labadda dawladood ee Somaliland iyo Ethiopia ay iskaga kaashan lahaayeen ka ganacsiga sharci darrada ah ee Duur joogta, kaasoo laga fuliyo xuduuda labada dawladood.

Weftigan ka socda Somaliland waxaa hogaaminaya agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Cabdikariin Aadan Cadde, oo ayaa isugu jira ama ka kala socda bahda Gar-soorka, Xeer ilaalinta, isku-duweyaasha wasaaradda Deegaanka ee goboladda dalka qaarkood, ciidamadda kala duwan ee Booliska, Ilaaladda Xeebaha iyo ciidamadda laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Somaliland.

Waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay haayadda CCF oo ka shaqaysa bad-baadinta Harimacadka oo la rumaysan yahay inuu wadamo badan oo caalamka ah ka sii dabar-go’ayo, ay marti gelisay dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shirkaasi oo noqonaya kii labaad ee noociisa ah ee ay jamhuuriyadda Somaliland iyo dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ku yeeshaan magaaladda Jig-jiga ayaa lagaga wada hadli doonaa sidii ay labadda dawladood iskaga kaashan lahaayeen ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta ee iskaga gudubta xuduudka labadda dal.

Qodobadii ka soo baxay shirkii sanadkii hore waxaa ka mid ahaa sidii ay labadda dal isaga kaashan lahaayeen xakamaynta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta, iyo in dal waliba uu xoogga saaro sidii loo ilaalin lahaa duur joogta oo loo arko khayraad uu dalku leeyahay.

Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland oo sii sagootiday weftigaasi ayaa sheegtay in shirkaasi lagu ogaan doono dhibaatadda Somaliland ka haysata ugaadha laga soo gudbiyo xuduudhka u dhexeeya Itoobiya.

Waxaanay tidhi, “Xubnaha shirkan ka qayb gelayaa, waxay wax ka soo ogaan doonaan dhibta maanta Somaliland haysata, ee ka haysata xuduudka u dhexeeya Itoobiya. In ka badan ilaa boqol, ayaanu haynaa oo Harimacadyo ah, oo dad kala duwan iyo haayado kala duwani ay hayaan.

Iyadoo maalin walba kharash aad u badani uu nagaga baxo, xayawaankaa la soo qabtay na, intoodda badani meel kale kamayn imane, xuduudka ayay ka soo wada gudbeen, in badan oo kale na way dhimatay.

Dadka shirkan ka qayb gelaya ee Somaliland ka socdaa, bilaash uma baxayaan, ee waxay isku xil-qaamayaan, oo aynu maanta dawladda Ethiopia ee Kilinka shanaad marti uga nahay, iyo haayadda CCF, oo soo qaban qaabisay, marti waxaynu uga nahay sidii aynu ugaadhsiga duur joogta, u dabar-goyn lahayn, iyo sidii aynu u joojin lahayn xayawaankaasi laga soo gudbinayo xuduudka ee weliba naadirka ku ah adduunka, sidaynu u joojin lahayn ka ganacsigiisa.

Labada dhinac ba gudaha na uga joojin lahayn, dibadda iyo dawladihii qaadanayay, ee iibsanayay na, looga joojin lahaa, ee iyaga na culays loo saari lahaa” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Somaliland C/kariin Aadan Cadde, ayaa isna ka warbixiyay shirkaasi waxyaabaha ay ka rejaynayaan in ay kala soo noqdaan, waxaanu yidhi,“Weftigaasi ay wasaaradda deegaanku hogaaminayso, dhamaanba daneeyeyaashii arrimaha deegaanku na ay ka qayb qaadanayaan, qarakiina uu u dhan yahay, ee aanu ku tegayno dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xuduudka ugu dheer waxaynu la leenahay dawladda Ethiopia, waxaan ka hadlaynaa na waa duur joogta labadda dal, oo xuduudka labadda dal iskaga talawda, iyo iyadoo uu culays fara badani inaga soo fuulay, ka ganacsiga qayb ka mid ah ugaadha, ka sii dabar-go’aysa adduunka. Shirkani waa kii labaad ee Jig-jiga ka qabsooma”.

C/kariin Aadan Cadde, ayaa u mahad celiyay haayadda CCF oo shirkaasi soo qaban qaabisay iyo sidoo kale is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo marti geliyay,“Waxaan aad ugu mahad naqaynaa haayadda CCF oo fududaysay in shirkani uu qabsoomo. Sidoo kale waxaan u mahad naqaynaa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo diyaariyay qabashadda shirkaasi.

Ku tallo-galkeenu waxa weeye, sidii ay labadda dal uga wada shaqayn lahaayeen xuduudda xayawaanaadka, ugaadhsiga ka ganacsiga sharci darada ah ee ugaadha, oo runtii aad iyo aad uga socda xeebaha Somaliland.

Iyadoo dalab fara badani uu ka jiro gacanka Cad-meed, oo ugaadh badan loo dhoofiyo. Waxaanan rejaynaynaa in shirkaasi uu soo kordhiyo, wada sahqayn xoogan oo labadda dal dhex marta” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimiladda Somaliland.

 

 

Leave a Reply