Safiirka UK oo Ingiriiska ku xusay 62 guuradii xornimadda Somaliland

0
189

London (Dawan) Munaasibad si weyn loo soo agaasimay, kana soo qeybgaleen jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska, iyo wefdi mudenayaasha golaha Wakiiladda ayaa ka dhacday dalka Ingiriiska.

Munaasibada oo lagu xusayey 62 guuradii ka soo wareegtay maalintii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska ayaa si weyn looga sheekeeyey marxaladihii reer Somaliland u soo mareen xornimadooda.

Safiirka JSL ee Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi Xirsi (Dayaxweerar) oo hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey bulshadii ka soo qeybgashay, intii soo qabanqaabisay, iyo wefdigii Mudenayaasha Wakiiladda ee ka soo qeybgalay.

Martisharaf kala duwan oo ka hadlay munaasibada ka hadlay ayaa soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto dhismaha dalka iyo wadajirka dadkiisa.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo hadal ka jeediyey madasha ayaa ugu baaqay dawladda Ingiriiska inay hormood ka noqoto madaxbanaanida Somaliland, isla markaana aanay iskaga leexin wadamadda Afrika.

Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Siciid oo kulanka soo xidhay ayaa bogaadiyey sida loogu soo dhoweeyey dalka Ingiriiska, isla markaana sheegay inay u duceynayaan waxgaradkii iyo odeyaashii kaalinta ka soo qaatay xornimadda Somaliland.

 

 

 

Leave a Reply