Xukuumaddu Awood Ayay u Leedahay inay Talaabo Ka Qaado Ganacsatada Laydhka iyo Cunatada”

0
260

Hargeysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay culayska ay dadka ku keenatay sare u kaca ku yimid Maceeshada iyo qiimaha Laydhka.

Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre iyo Xildhibaan Oday Xaaji Cabdiwaraabe oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Xukuumadda awood u leedahay in ay talaabo ka qaado xakamaynta qiimo koradhka ku yimid Maceeshada,

Xildhibaan Oday Xaaji Cabdiwaraabe oo ka hadlayay Sixir bararka dalka ka jira waxa uu yidhi”Laydhka iyo cuntada amar haka soo saarto Xukuumadda oo ay tidhaahdo intaas wax ku iibiya Ganacsatada,Xukuumadda ayaa awood u leh in talaabo culus ka qaado haday tahay Laydhka iyo Cunatada,waxa aad moodaa in nin waliba doonayo in uu ku foof tago xaalada Siysaadeed dalka ka jirta mana haboona in aynu ku noqono halkaynu toban sanno horteed joognay,xaalada Siyaasadeed waa Xisbiyo iyo Ururo waxaana la furay Ururada Siyaasada,ma sharcibaa jira odhanaya yaan laga qaban araajida Ururada Siyaasada.Xisbina waan ahay oo doorasho ayaan doonayaa Madaxweynaha yeeli maayo xagay ka socotaa,waxa aan leeyahay Madaxweynaha waala yeelayaa oo waa la garab joogsanayaa”.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre ayaa waxa uu sheegay in shacabka kala kulmeen culays qiimo koradhka ku yimid maceeshada iyo Laydhka.Waxaana hi yidhi”Waxa jira in maceeshadii kacday culas ayaanay dadku kala kulmeen marka Dawlada cashuurta ka dhinto,ganacsatada iyaguna waa in ay hoos dhigaan Maceeshada iyo Laydhka.waxa aan xusuusinayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland in Nabedgalyada dan wada tahay ee qof gaara aanay dan u ahayn, waxaana muhiima in la ilaashado Nabedgalyada hadii la waayo Nabedgalyada nolol jiraysaa majirto”.

 

 

 

 

Leave a Reply