Fadliga Tobanka Maalmood Ee Carafo!

0
295

Maalmaha sanadka waxa ugu fadli badan tobanka maalmood ee u horeeya bisha Dil Xaj, oo ah kuwa inoo bilaabmaya.  Waana maalmo adoonku camalka uu sameeyo loo laban laabo.   Xadiiska Imaam Axmed werinayo wuxu ku yidhi  Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi :” ma jiro maalmo Allah xagiisa uu ugu jecelyahay ugana weyneesiin badan yahay camal la sameeyo maalamahan tobonka ah gudahood ee badiya Tahliisha,  Takbiirta, Taxmiidda”  Oo ah  La’ilaaha Ilaa Lahu, Allaahu Akbar, Al-xamdu Lilaahi.

Waxa kale oo Rasuuka Allah (scw) xadiis ku yidhi : “Majirto maalmahan maalmo ka fadli badan camal ahaan. markaasaa nabiga (scw) asxaabtii ku yidhaahdeen Nabi Alloow xataa jihaadka?! markaasuu yidhi Nabigii (scw) :- xataa jihaadka dar Alleh, ilaa ninka inta naftiisa iyo maalkiisa ugu hibeeya jihaadkaas oo labaduba ku waaya oon waxba kala soo noqon”

 

 

 

 

Leave a Reply