Xalka Mushkulad Kasta Waa …!

0
84

Mararka qaarkood waxaan isku daynaa inaan furno albaab, laakiin waan ku fashilanaa, ka dibna xoog ayaan adeegsanaa markaasi ayaynu ku daalnaa oo ku dhibaatoona.

Waxa lagaa yaaba inagoo quusanay in aynu xusuusno  in muftaaxa aan u waday dhinicii aan saxda ahayn. Ka dibna waxa aynu u bedelaa dhinaca kale ee saxda ah.

Markaasi ayuu si fudud u furmaa, wakhtigaasi ayuu qofku farxaa oo qoslaa. Waxaana uu ku dhawaaqa khalad ayaan samaynayay.

Waxa xusuusta inoo fudadiyay waa caqliga.  Waana sidaasi mushkuladuhu waxa xal u ah caqliga, Maaha xoogga inkasta dhibaatadu ha qara leegaatee. Waa inaad aad caqliga ka shaqaysiiso si aad xal ugu hesho mushkuladda.

Leave a Reply