Wasiirka Maalgashiga oo soo xidhay shir lagu lafo-guray Xeerka iyo Siyaasadda wadaagga Ganacsiga ee dawladda iyo shacabka

0
459

Hargeysa(Dawan)-Magaalada Hargeysa waxa lagu soo gabagabeeyey kulan wada-tashi ah oo lagu falanqeynayey qabyo-qoraalka 1aad ee xeerka wax-wada-lahaanshiyaha Somaliland (Public, private partnership) oo ay diyaarisay wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha oo sidoo kale qabanqaabisay madasha lagu daah-furay mashruucaasi oo ahmiyad weyn u leh qaranka, dooddiisuna socotay muddo laba maalmooda.

Kulankan oo la soo gabagabeeyey shalay Axaddii waxa ka qaybgalay dhamaan Hay’adda dawladda ee ku shaqada leh arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha, shirkaddaha Ganacsiga, aqoonyahanno iyo daneeyayaasha  maalgashiga, kuwaasoo loogu soo casuumay si ay arragti iyo aqoonba ugu biiriyaan Siyaasaddan iyo xeerkan  oo curintooda iyo diyaarintooda iyo isku duba-ridkooda ay dedaal badan gelisay wasaaradda Maalgashiga iyo wershadaha dalku, isla markaana falanqeyntooda ay ka qaybgaleyaashu midba maalin ku qaateen.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilahi Cabdirahman Aare, oo hadal ka jeediyey munaasibada lagu soo xidhay shirkaasi, ayaa ugu horayn u mahad celiyey ka qaybgaleyaasha labada maalmood ee uu socday ka qaybqaadanayey  dood-wadaagga iyo falanqeynta xeerka iyo siyaasadda bandhigooda la mataaneeyey.

Wasiirka,  ayaa  sababaha xeerkan iyo siyaasadda loogu mataaneeyey lafo-gurkooda madashan ku tilmaamay in ay jiraan daneeyayaal badan oo doonaya inay maalgashi ka samaystaan dalka, sidaasi awgeed ay wasaarad ahaan culays dheeraad ah geliyeen sidii ay mar u wada dhaqaaqi lahaayeen labada mashruuc ee siyaasadda iyo Xeerku.

“maalgashiga marka laga hadlayo, nidaamka wax wada-lahaanshiyaha dawladda iyo ganacsatadu waa ka ugu saamaynta badan dhaqaajin dhaqaalaha, markaa sidaasaddan iyo xeerkan maanta aynu u joogno inaynu lafo-gurno oo aynu qodaxda ka gurnaa waxay inoo sahlayaan inuu inoo samaysmo qaybta maalgashi ee loo wada leeyahay dawlad iyo ganacsiga gaarka, wuxuu inoo sahlayaa inay is-aaminaadi timaado oo ay dawladda iyo dadkii adeegga loo qabanayey is aaminaan, mashruucani wuxuu samaynayaa kalsooni”ayuu yidhi Wasiirku.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu intaasi ku daray in wakhti iyo dedaal badan la geliyey in mashruucani halkan  soo gaadhay, sidoo kale waxa uu xusay in fikirka iyo aara’da wakiillada laamaha dawladdu gacan weyn ka geysan doono dhamaystirka qabyo-qoraalka.

“Meelaha ugu waaweyn ee uu sameeyo ganacsiga ay wadaaga ku yihiin  dawladda iyo ganacsatadu waxa kamida tamarta oo aynu ognahay qaylada ka taagan dalkeena maanta, Isgaadhsiinta, Caafimaadka iyo waxbarashada, markaa si aynu maalgashi ugu helno ilahaasi oo dhan waa in ay jiraan xeerkan iyo siyaasadda lagu hagayaa”ayuu raaciyey Wasiir Aare.

“arrinta ugu muhiimsan ee kulankani daarranaa waxa weeye in aan arragno afkaar kala duwan, in hay’add walba oo kamida laamaha dawladdu ay aragto qabyo-qoraalka, wixii ay ku darayaana soo gudbiyaan, markaa waxaan rajjeynayaa wixii aad soo jeediseen iyo wixii aad ku darteenba ay ku soo bixi doonto nuqulka u dambeeya ee qabyo-qoraalka Siyaasadda iyo Xeerka

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo wershadaha Md. Maxamed Cusmaan Siciid (Somali) oo hadal ka jeediyey munaasibadii lagu furay shirka, ayaa ka waramay sooyaalkii uu soo maray diyaarinta mashruucan xambaarsan siyaasadda iyo xeerka wax-wadalahaanshiyaha, fursadaha qaybta ka ahaa diyaarintooda iyo caqabadaha uu ka soo gudbay.

Agaasime Maxamed-Soomaali waxa uu sheegay inay mashruucan tacab badan gelisay wasaaraddu, isla markaana intii uu socday ay samaysay daraasado kala duwan oo la xidhiidha baahiyaha loo qabo, qaab-dhismeedka loo unkayo iyo sida ugu fudud ee loo waafajin karo dabeecadaha dhaqan-dhaqaale ee dalka.

Waxa uu intaasi ku daray in dalku baahi weyn u qabo aasaaska siyaasadda iyo xeerka wax wada-lahaanshiyaha, maadaama maalgashiga ilaha dhaqaalaha uu laf-dhabar u noqonayo, muhiimad gaar ahna uu u leeyahay is-aaminnaada maalgashadeyaasha gaarka ah iyo dawladda,sidoo kalena soo jiidasho uu u leeyahay daneeyayaasha caalamiga ah.

Xubno kamida Golaha Wasiirrada oo ay kamid yihiin Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska oo halkaasi hadallo ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey, kuna hambalyeeyey wasaaradda maalgashiga curinta iyo diyaarinta siyaasaddan iyo xeerkan muhiimka ah, waxaanay dhamaantood cadeeyeen in baahi badan loo qabay, iyagoo wixii afkaar iyo talooyin ah ee ay qabeenna halkaasi kaga ladhay.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo aqoonyahanno madasha ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda tilmaamay in wakhti hore ay ahayd in dalku yeesho xeerkan iyo kuwa lamidka ah ee halbowlaha u ah dhaqaalaha, waxaanay dhamaan ka soo qaybgaleyaasha kula dardaarmeen inay wakhti iyo dedaal badan geliyaan sidii wax midho-dhal ah looga soo saari lahaa kulankan wada-tashi.

Qabyo-qoraalkan ayaa ah nuqulkii koowaad ee khuseeya siyaasadda iyo xeerka wax wada-lahaanshiyaha (Public, private Partnership), taasoo ina tusinaysa in jiritaan la’aantiisu caqabad ku tahay dhaqaalaha dalka.

 

 

Leave a Reply