Golaha Wakiillada oo Warbaahinta mariyay Baafinta 20 xildhibaan

0
357

Hargeysa (Dawan) Golaha wakiillada Somaliland, ayaa baafinaya 20 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha golahaasi kadib markii golahaasi koram la’aan u furmi waayay.

Fadhigii shalay ee golaha wakiillada Somaliland oo uu shir’guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi, mudane Cali Xaamud Jibriil, ayaa u furmi wayay koram la’aan.

Inta badan waxa uu fadhiga golaha shardi  u ah in uu ku furmo 42 xildhibaan oo ka mida 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.

Guddoomiye Cali ayaa sheegay in aanu jirin sharci u diidaya in la qariyo haddii uu goluhu furmi waayo, isla markaana ay kaliya golaha ka soo xadireen 37 mudane.

Waxaanu yidhi.“Sharci iga horjoogsanaya ma jiro, tallaabo kale ma qaadayo, in xildhibaanada golaha ka soo xaadiray aan sheego sharci iidiidaya ma jiro, sharci igu odhanaya golaha ayaa furmi waayay ee qari oo igu khasbaya ma jiro”

Cali Xaamud waxa uu sheegay in hawlihii shaqo ee golahaasi horyaalay ay u baaqdeen maqnaanshiyaha xildhibaanada aan ka fasaxa qaadan golahaasi.

Waxaanu yidhi.“Shaqada aynu saaka u nimid ee inoo talay waxa ay ahayd xeerkii caymiska iyo anshaxeene xeer hoosaadka ee aynu ku daray, labaduba saaka waxa ay u fuli waayeen koramkaasi oo inoo buuxsami waayay, 37 xildhibaana waynu ku joogna, 15 xeer hoosaadka ayaa inoo fasaxay oo fasax ayay ku maqan yihiin, 10-na saaka ayay fasax qaateen, 20-ka xildhibaan ee la yeedhiyay, ee xoghayaha guud ayaa idin la’aan iyo fasax la’aan u maqnaaday saaka.

Sidaasi darted 37 xildhibaan ayaynu nahay, 5 xildhibaan ayaa ka dhiman si aynu shaqadeena ugudano, sidaasi darted mar haddii koramku inoo furmi waayay 20-ka xildhibaan ee maqnaadayna bila cudurdaarka xoghayaha guud ayaa inoo yeedhiyay, marka koramku inooma furmayo, sidaasi ayaanu goluhu maanta fasax ku yahay”

 

Xoghayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa 20-ka mudane ee golahoodu baafinayay ka hor akhriyay warbaahinta, isaga oo xusay in aanay wax fasax ah ka qaadan ka qaadan golaha.

 

 

Waxaanu yidhi.

Xildhibaan Jaamac Saalax Maxamed

Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed Xasan Kaare

Xildhibaan Axmed Muuse Diiriye

Xildhibaan Axmed Yaasiin Maxamed Xasan Ducaale,

Xildhibaan Bile Cabdi Ducaale Samatar

Xildhibaan Cabdikariim Axmed Cumar Dhiirane

Xildhibaan Cabdiqani Maxamed Aadan  Cali

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf Cawaale Badheedha

Xildhibaan Cali Jaamac Caraale (Cali Qaran)

Xildhibaan Guuleed Maxamed Warsame Guuleed

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye Ciise

Xildhibaan Jamaal Cali Aadan Jaah

Xildhibaan Jimcaale Axmed Ciise Yoonis

Xildhibaan

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac

Xildhibaan Maxamed Cismaan Maxamed Samatar (Gurey)

Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan Cawaale

Xildhibaan Mubaarig Muuse Ismaaciil Xuseen

Xildhibaan Nuuradiin Axmed Dayib Cabdiraxmaan

Xildhibaan xirsi Cabdillaahi Xirsi Odowaa

Xildhibaan Xasan Cumar Xasan Rooble (Xasan Ogaal)

Baafinta mudanayaashan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay golahaasi joogaan sannad iyo maalmo kooban.

 

 

Leave a Reply