Nuxurka Go’aammadii Madaxweynaha iyo Guddida Dhexdhexaadinta iyo Kulan Maanta Loo Ballansan yahay

0
320

Madaxweynaha oo isla shalayba fuliyay Codsigii Ergada siina daayay Xubnihii Mucaaridka ka xidhnaa

 Hargeysa (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland mudane  Muuse Biixi Cabdi iyo guddida dhexdhexaadinta khilaafka mucaaradka iyo xukuumadda, ayaa ku heshiiyay in lasii daayo siyaasiyiinta mucaaradka ka xidhan, iyo in wadahadalada dib loo bilaabo.

Madaxweynaha   Somaliland,   Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergeda is xilqaantay soo dhaweeyey, waxanu  muujiyey in masuuliyadda qaran ee uu hayo iyo damiirkiisuba farayaan inuu danta qaranka ka shaqeeyo, kuna dheggenaado xeerarka iyo shuruucda dalka, maaddaama oo uu yahay ilaaliyaha Dastuurka Dalka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu dhinaciisa xadhigga debciyo oo uu muhiimad siiyo wax kasta oo dhinacyada siyaasadda isku hayaa isugu soo dhawaan karaan.

Waxaanu yidhi.“Waxaanu isla garanay in odayaashii ergada ahaa ee inta badan soo dedaalay in loo yeedho, oo maanta(shalay) aynaan waxba isla dhaafin oon arrintaasi lagu rafanin, marka hadalka maanta waxa hoggaaminaya guddoomiyaha golaha guurtida,”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo kamid ah guddida dhexdhexaadinta, ayaa ugu horayntii madaxweynaha ka codsaday in uu siidaayo 12 siyaasi oo mucaaradka ka tirsan kuwaasi oo lagu xidhay mudahraadkii 9 Juun, ay mucaaradku ka dhigeen Hargeysa, isagoo madaxweynuhuna ka aqbalay.

Waxaanu yidhi.”Mar haddii aad iskugu kaaya yeedhay, dee waxaanu kaa codsanaynaa maxaabiistii horta bal barigii dhawayto mudaharaadka lagu soo xidh xidhay dee horta siidaa oo maanta inaga siidaa”

“Guddoomiye Saleebaan ” Ogoli” ayuu ku jawaabay madaxweyne Biixi isaga oo aqbalay codsiga.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayaa sheegay in go’aankii u danbeeyay ee ay madaxweynaha ku kala tageen markii isugu danbaysay uu ahaa siidaynta maxaabiista, iyo in madaxda xisbiyada mucaaridka ay wada hadlaan taasoo uu aqbalay.

Waxaanu yidhi.“Madaxweyne maalintii halkan isugu keen danbaysay laba arrin ayaynu isla qaadanay, mid waxa ay ahayd ta maxaabiista, waad ku mahadsan tahay, midina waxa ay ahayd in raggii la isku kiin keeno oo aad ka wada hadashaan arrinta iyada ah”

Siidaynta siyaasiyiinta xidhan ayaa loo mari doonaa sharciga, iyada oo xeer ilaalinta iyo booliisku ay ka noqon doonaan dacwadihii ay kusoo oogeen shakhsiyaadka xidhan, kadibna maxkamada ayaa fasixi doonta, sida madaxtooyadu sheegtay.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in madaxweynaha iyo madaxda axsaabta mucaaradka Somaliland, laysku keeno Maanta  si dib loogu amba qaado wadahadaladii fashilmay ee u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada.

 

 

Leave a Reply