Barcelona Oo Xaqiijisay Inay Wada-hadallo Kula Jirto Cristiano Ronaldo

0
217

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay inay wada-hadallo kula jirto wakiilka xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo ay kala hadlayaan suurtogalnimada sidii uu laacibkani ku tegi lahaa Camp Nou.

Joan Laporta oo maanta warbaahinta kula hadlayay madal lagu soo bandhigey saxeexa cusub ee Franck Kessie ayaa waxa uu xaqiijiyey, in ay kooxdiisu bilowday inay la hadasho wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes, waxaanu hoosta ka xariiqay inay qorshaynayaan in ay la saxeexdaan xiddigan.

Ronaldo oo toddobaadkan ku wargeliyey kooxdiisa in uu doonayo inuu iskaga tago, waxaanu ka dalbaday in la iibiyo isaga oo maalintii saddexaad oo isku xigta ka maqan tababarka si uu maamulka ugu cadaadiyo inay u fuliyaan codsigiisa.

37 jirkan oo muddo sagaal sannadood ah usoo ciyaaray Real Madrid oo ay colaad dhinaca ciyaaraha ahi ka dhaxayso Barcelona ayaa si lama filaan ah uu wakiilkiisu wada-hadallo ula bilaabay kooxda reer Catalonia, sida uu maanta xaqiijiyey Joan Laporta.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu Laporta yidhi: “Isniintii ayaanu wada cashaynay Jorge Mendez, waxaanaanu si guud uga wada-hadalnay suuqa iibka ciyaartoyda.

“Ronaldo arrintiisa? Ma doonayo in aan faahfaahiyo ciyaartoydii aanu kaga wada-hadalnay kulanka, laakiin mar walba way wanaagsan tahay in la ogaado sida ay magacyada qaarkood ugu jiraan suuqa.”

Hadalka Laporta ayaa waxa uu dabka kusii shidayaa mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee laalan, iyadoo waliba hadda uu mugdi weyni ku jiro haddii uu u raacayo safarka ay Jimcaha kooxdaasi ugu baxayso waddamada Thailand iyo Australia.

Ronaldo ayaa Manchester United dib ugu soo laabtay sannadkii hore oo uu u saxeexay heshiis laba sannadood ah, waxaana qandaraaskiisa ka hadhsan hal sano.

Leave a Reply