Hargeysa (Dawan)- Wefdi heer sare oo ka socda dalka Itoobiya oo dalka soo gaadhay isla markaana uu madaarka Cigaal ku soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa la filayaa inay mudadda ay joogaan kulammo kala duwan la yeeshaan masuuliyiinta xukuumadda.
Wefdiga dalka Itoobiya oo ay hogaaminaysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo, Dagmawit Moges, ayey xubno ka ahaayeen la-taliyaha Amniga Qaranka ee Raysal Wasaaraha Itoobiya Safiir Ridwaan Xuseen, Agaasimaha Waaxda Amniga Afrika ee Itoobiya Amb. Jamaludin Mustafa iyo masuuliyiin kale oo xukuumada Itoobiya ah.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd ayaa sheegay inay wefdiga Itoobiya ka wada hadli doonaan iskaashiga u dhexeeya, waxaanu fariin uu bartiisa Twitter ku baahiyey ku yidhi,
“Waxaan ku soo dhaweeyay dalka Wefdi Itoobiyaan heer sare ah oo ay hogaaminayso Marwo Dagmawit Moges. Muddada socdaalkooda, waxaanu ka wada hadli doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin isticmaalka Dekedda Berbera iyo Ganacsiga iyo arrimo kale oo badan.”
Safiirka Itoobiya u jooga Somaliland, Md. Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka tirsan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhoweynta Wefdiga Itoobiya.
Inkastoo aan wax faahfaahin ah labada dhinac midna ka bixin ujeedadda socdaalka wefdigan heerka sare ah, ayaa dhinaca kale la filayaa inay ka wada hadlaan dhamaystirka heshiisyo hore labada wadan u kala saxeexdeen oo la xidhiidha iskaashiga ganacsiga, isu-gudubka badeecadaha, tacriifadaha, isticmaalka ganacsatada Itoobiya ee dekedda Berbera, iwm.
Imaatinka wefdigan Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Itoobiya ay ku sugan yihiin Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Tamarta & Macdanta Somaliland Md. Cabdilaahi Cabdi Faarax oo maalmahii u dambeeyey kulamo la qaadanayey dhigiisa iyo madax kale oo dalka ah.