Abaartu markii hore xoolihii ayaan ku waayey, haatanna Ubadkii…” Aabe Daahir-

0
323

“Saddex bilood ka hor, carruurtii yaryarayd ee Daahir waxay qaadeen talaabo, aakhirkii naftoodii galaafatay. Aamina iyo Muxamed oo da’doodu tahay afar iyo lix jir, waxay cabbeen biyo wasakhaysan ee ku jiray gunta hoose ee god dhagax, doox ku yaalay.” Sidaa waxa lagu bilaabay warbixin dheer oo Wargeyska Telegraph, oo dalka Ingiriiska ah uu shalay baahiyey.

Warbixinta wargeyska oo lagu faaqiday saamaynta abaaraha ka taagan deegaamada Somalliland, gaar ahaan goboladda Barrigu ku yeesheen xoolo-dhaqatada, ayaa la raaciyey;

“Waxay haysteen fursado kale oo yar – biyuhu aad bay ugu yar yihiin Sanaag, oo ah gobolka oomanaha ah ee bariga Somaliland. Laakin maalmo gudahood, labadii caruurta ahayd, waxaa ku dhacay shuban darran. Aabe Daahir oo aad ugu baqaya xaaladdooda sii xumaanaysa ayaa quus iska istaagay inuu Aamina iyo Muxamed geeyo xarun caafimaad oo Garadag u dhow.

Haddana abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ku dhufatay muddo 40 sano ah ayaa xoolihiisii ​​dhammaysay – xoolihiisii ​​adhigu oo gaadhayey 300 ayaa 30 keliya ku hadheen muddo 18 bilood ah. Siduu xoolihii ​​u waayey, waxu u waayey dakhligiisii. “Biyuhu ma ahayn kuwo caafimaad qaba… aad bay u xanuunsadeen,” ayuu Daahir yidhi, isaga oo maro madaxa ku duubtay si uu uga ilaaliyo cadceedda darran ee duhurnimada. “Ma heli karin lacagta aan ku qaado carruurta si aan u keeno cusbitaalada fiican… ubadkaygii way dhinteen. “Aad ayaan u murugooday, waxaan dareemay inaanan waxba samayn karin si aan u taageero caruurteyda,” ayuu u sheegay Telegraph.

“Waxay ahaayeen ubad aan aad u jecela, waxaan u rajeyneynay mustaqbal wanaagsan iyaga.” ‘Haddaad xoolahaaga weydo, waxaad luminaysaa helitaanka maciishada’ Hadda, isagoo Daahir ka murugooday geerida carruurtiisa, wuxuu sidoo kale la tacaalayaa mustaqbal aan la hubin oo ka horeeya.

Abaarta ba’an ayaa sidoo kale halis ku ah hab-nololeedkii xoolo-dhaqatada taasoo qoyskooda ku soo dhaqmi jireen qarniyo badan. Soomaaliya iyo Somaliland – ugu yaraan 805,000 oo qof ayaa hore guryahooda uuga baxay xaalado ay ku raadsadaan cunto iyo biyo sannadkan. Waa tiro hubaal ah inay kor uga sii kordhi doonto bilaha soo socda. Roobab yar ayaa la saadaalinayaa, kooxaha gargaarku waxay ka digeen inay jirto “khatar la taaban karo” oo ah xilli-roobaadka shanaad ee guuldarraystay oo soo socda dayrta.

Guud ahaan Geeska Afrika oo qiimaha maceeshadu cirka  ayuu isku shareeray, ugu yaraan 18 milyan oo qof ayey hadda soo food saartay cunto yari. Soomaaliya, 213,000 ayaa la saadaalinayaa inay macluul qarka u saaran yihiin bisha Sebtembar, halka QM ay ka digtay in 365,000 oo carruur ah ay u dhintaan nafaqo darro sanadkan. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku tilmaamay abaarta heerka saddexaad ee xaalad degdeg ah oo caafimaad, oo ah heerka ugu sarreeya ee hay’adda. “Ma garanayno halka ugu hoosaysa weli dhibaatadan,” Michael Dunford, madaxa Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Bariga Afrika, ayaa u sheegay Telegraph.

“Xaqiiqdu waxay tahay inaan ku jirno xaalad ba’an mar hore-ba, suurtagalna tahay inay sii socoto.” Wuxuu intaas ku daray in, ku dhawaad ​​saddex milyan oo xoolo ah ay u dhinteen abaarta – oo ay ku jiraan ilaa 30 boqolkiiba lo’da Soomaaliya. Hoos-u-dhaca ku yimid wax-soo-saarka hilibka iyo caanaha ayaa sii xumeeyay haqab-beel-la’aanta cuntada waxayna keentay in malaayiin ay ku tiirsanaadaan gargaarka bani’aadamnimo. “Haddii aad lumiso xoolahaaga, waxaad luminaysaa awoodii helitaanka quutal-daruuriga,” ayuu yidhi. “Ma aha sida [Reer Galbeedka], halkaas oo haddii aan lumino kumbuyuutarka aan iibsan karno mid kale. Waxaan ka hadleynaa hab nololeed oo dhan, xidhiidhka ay xoola-dhaqatadu la leeyihiin habkan nolosha iyo sida ay u qeexayso waa mid aad u dhow.

“Waxaan aragnaa barakac ballaadhan oo dadka ah,” ayuu yidhi Cabdirisaaq, Maayirka magaalada Burco ee bartamaha Somaliland. “Tuulooyinka qaar ma helin roobab ilaa dabayaaqadii 2020 ilaa hadda… bulshadana ma haysto ​​ilo dakhli kale oo ay ku noolaadaan ama habab ay kula tacaalaan marka abaartu dhacdo.

“Sidoo kale cudurrada ka dhasha biyaha ayaa sii kordhaya iyadoo dadku ay cabayaan cabitaanka biyo aan habboonayn, nafaqo-xumadana way sii kordhaysaa maadaama dadku aanay haysan cunto ku filan oo ay carruurtooda siiyaan.” Caynabo, oo ah xudunta gobolka galbeedka Somaliland, Selma* waxay ka mid tahay dadka cusub ee yimid xero barakac oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​12,000 oo qof. Hooyadan oo 20 jir ah oo haysata laba carruur ah ayaa mar lahayd ku dhawaad ​​100 neef oo riyo iyo ido; midna hadda uma hadhin.

Taageerada caalamiga ah waa mid xadidan ama aan jirin, maadama miisaaniyada gargaarka loo jaray ama loo leexiyey dhibaatooyinka kale, oo uu ku jiro dagaalka Ukraine.

Dalka Ingiriiska oo sannadkii 2017 ku dhawaaqay inay ku bixin doonaan wax-ka-qabashada xaaladaha abaaraha Geeska Afrika dhaqaale gaadhaya £861m, ayaa ilaa xilligan bixiyey £40m keliya.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply