United oo Barcelona u Qabatay Waqtiga ay Doonayso inay ku Dhamaystirto Heshiiska

0
198

Kooxda Man United ayaa Barcelona u sheegtay wakhti kama dambays ah oo ay doonayso in ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong.

Man United ayaa xagaagan oo dhan ku raad joogtay saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiyaan kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Red Devils ayaa ogolaatay in ay bixiso lacagta ay Barcelona dalbanayso ee 65 milyan ah iyo 25 gunooyin ah si ay u helaan xiddiga 25 jirka ah.

Masuuliyiinta Man United ayaa xitaa shalay tagay Barcelona si ay heshiiska u dhamaystiraan waxana ay Barcelona u sheegeen wakhtiga ay doonayaan in ay dhamaystiraan heshiiska.

Leave a Reply