Qisaska Xakamaynta Cadhada!

0
400

Waxaa laga weriyay saxaabiga Abi Hureeyra (Rc) in nin u yimid Nebiga (Scw) oo ku yidhi:  “ ii dardaaran markaasi ayu Nebigu ku yidhi: “Ha cadhoonin, oo ku cel-celiyay erayga ha cadhoonin.”

Waxa weriyey Al-Bukhaari

Saxaabiga Abuu-Daral_Qafaari (rc) ayaa maalin adoonkiisa ku yidhi: “ Maxaad rida ugu siisay  calafka  farasku cuni lahaa?

Waxaana uu ugu jawaabay Adoonku: “ waxaan doonayay in aan kaa cadhaysiiyo”. Abuu-dar waxa uu ku yidhi : “ Allah ayaan ku dhaartee waxaan ka kordhin , oo aan ku kordhin cadhada Ajar iyo abaal, Allah Ayaan dartiis ayaan kuu xoreeyay”.

Caalimki weynaa ee C/llaahi ibnu Mubaarak ayaa la weydiiyay:  “ Waa maxay dabeecadda? waxa uu ku soo koobay:  “ Cadhada oo laga tago”.

 

Cadhada waxa keliya ee loo baahan yahay hadii Diinta Allah lagu xadguudbo. Markaa qofka muslimka ah waxaa looga baahan yahay inuu ka cadhoodo kana dhiidhiyo inta awoodiisa ah.

 

 

Leave a Reply