Ganacsiga Sunta Xamaaratada!

0
297

Dhawr  ka hor, nin dhallinyar oo Masar u dhashay ayaa iskaga tegay waxbarashadiisa Jaamacadda oo ahayd barashada “archaeology “ “cilmiga qadiimiga” ah si uu ugaadhsiga Hangaralaha  uga sameeyo lamadegaanka iyo xeebaha dalka, waxaana uu suntooda ka soo saarayay dawada loo adeegsado qaniinyadooda.

Ninkan oo lagu magacaabo Mohamed Hamdy Boshta waa  25 sano, wakhtigan waxa uu noqday maalqabeen iyo hantiilaha shirkadda “Cairo Venom Company” , waxa uu beero ku hayaa 80,000 oo hangarallayaal ah kuwaasi oo ku yaalla goobo kala duwan oo Masar ah. Waxa kale oo uu ku hayaa Masas kala duwan, iyo weliba sidoo kale loo hoya sunt lagu kaydiyo.

Qabashada xamaaratadan ayuu adeegsada midab UV oo iftiin leh, hangarallayaasha ayaa wakhtigaasi ku dhaca il-duuf yar oo koronto ah, taasi oo keenta inay cadhoodaan oo is difaac bilaabaan waxaana ay sii dayaan  badan, oo noqon karta inta u dhexeysa 20,000 iyo 50,000 qiyaasood oo antivenom ah.

Hal garaam oo suntaasi ahi waxa ay soo noqon kartaa $ 10,000 waxaana Mr. Boshta u dhoofiyaa Yurub iyo Maraykanka halkaas oo loogu isticmaalo ka hortaga qaniinyada suntan xamaaratadad halista ah iyo weliba dawooyin kale oo badan, oo ay ku jiraan xaaladaha sida dhiig karka.

 

 

 

Leave a Reply