Hargeysa: Marxuumiin Xabaalihii ay ku Aasnayeen Dib looga soo Saarayo

0
487

Hargeysa (Dawan)  – Maamulka degmada Maxamed Mooge iyo bulshada xaafada Dalsan ayaa ugu baaqay ehelka dadkoodu ku aasan yihiin Xabaalaha Warshada Kabista in qaar ka mida marxuumiintaasi la rabo in  ay kala baxaan, iyaga oo sheegay in Qubuurahaasi isu badeleen jid ay dadka iyo xooluhuba adeegsadaan.

Sidoo kale waxa ay ganacsatada, xukuumadda Somaliland, bulshada kale ee muslinka ah, ehelada dadkoodu ku aasan yihiin xabaalahaasi ka codsadeen in ay ka qayb qaataan dayr la rabo in xabaalahaasi lagu xidho.

Guddoomiye Gufiindhe waxa uu si gaara fariin ugu diray ehelada marxuumiin uu sheegay in maydkooda laga saari doono xabaalihii ay ku aasnaayeen, isaga oo ugu baaqay in ay goobjoog ka noqdaan, isla markaana ka qayb qaataan saaritaanka laga saarayo.

Mid ka mida hooyooyinka degmada Maxamed Mooge, ayaa gabay ku cabirtay sida ay u dayacan yihiin xabaalaha u dhaxeeya warshada Kabista iyo Baliga Qudhacdheer, waxaanay bulshada si dareen tabasha leh uga codsatay in ay kawada qayb qaataan dayrka loo doonayo in xabaalahaasi lagu xidho.

Waxaaney tidhi.“Dayacba xaabalihii ku dhacay meel dusheenana, xashiishkii la soo daadiya lagu damsiiyaa, dugaagii ayaa fadhanaya oo way dayacan yihiin, duunyadii ayaa daaqaysa oo weydayacan yihiin, dariiq iyo wada laga dhigto way dayacan yihiin, waynu dayri karayna haddii aan la iska diidayn, waynu dayri karayna haddii daacad loo yahay, ila dayra oo kaca walaal way dayacan yihiine”

Maxamuud Cabdi Xasan Gufiindha, guddoomiyaha degmada Maxamed Mooge ayaa sheegay in ay masuul ka yihiin daryeelka iyo ilaalinta xabaalaha.

Waxaanu yidhi.“Xabaalaha warshada Kabista iyo Baliga Qudheer u dhaxeeya xabaalahaasi oo dadka aad loogu asaayay wakhtiyo kala duwan, isla markaana ka dhismay goobo markii hore dadku isticmaali jireen, ahaana dariiq la mariyo xoolaha kala duwan ee saylada xoolaha lagu wado dhab ahaan xabaalahaasi waa kuwo aad u dayacan.

Ka dawladd hoose ahaan anaga oo duqa caasimada Hargeysa na hoggaaminayo dadka inta dhimatay iyo inta noolba masuul ayaanu ka nahay, inta dhimatay ee xabaalaha ku jirtana waajib ayaa inaga saran, in aynu goobahooda ku ilaalino, kuna daryeelo, waxaanu rajjaynayna xabaalahan inaga oo dadweynaha, ganacsatada, dawladda, in xabaalahaasi la dayro.”

Guddoomiye Gufiindhe waxa uu si gaara fariin ugu diray ehelada marxuumiin uu sheegay in maydkooda laga saari doono xabaalihii ay ku aasnaayeen, isaga oo ugu baaqay in ay goobjoog ka noqdaan, isla markaana ka qayb qaataan saaritaanka laga saarayo.

Waxaanu yidhi.“Sidoo kale waxa jira kuwa loo baahan yahay in laga saaro oo dariiq ku jira, oo daadku marayo, oo xoolaha qaybahooda kala duwani marayaan, oo maalinkasta lafahoodii dibeda u soo baxayaan, marka marxuumiintaasi ehelkoodii ayaa nool oo jooga, marka xaabalahaasi hay’addihii ku shaqadalahaa ee wasaaradda diinta iyo aw qaafta iyo dawladda hoose  waxa ay diyaar u yihiin in laga saaro isla markaana meel ku habboon la geeyo, marka cidkasta oo ehelkeedu halkan ku aasan yahay laba fariimood ayaan u diraya waxaan leeyahay ehelkiina laga saarayo xaabalaha kaalaya oo ka qayb qaata, dadka kale ee ehelkoodu ku aasan yahayna waxaan leeyahay, wixii hawl ah ee xabaalahaasi lagu dayactiro ka qayb qaata”

 

 

Leave a Reply