Saxeexyada la Filayo in la Dhamaystiro Todobaadyada ama Maalmaha Soo Socda

0
500

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa sii xoogaysanaya iyada oo ay kooxdu ugu jiraan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Xilli ay todobaadyado yar inaga xigaan bilaabashada xilli ciyaareedka cusub kooxaha ayaa dar-dar galinaya saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada laga yaabo in ay dhacaan todobaadyada ama maalmaha soo socda.

1.Lisandro Martinez -> Man United:

Kooxda Man United ayaa Ajax kala heshiisay saxeexa xiddiga daafaca ka ciyaara kadib markii ay ogolaatay in ay  bixiso lacagta ay Ajax doonaysay oo ahayd 50 milyan.

United ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto saxeexa xiddiga iyada oo haatan lagu jiro marxaladii ugu dambaysay ee wadahadalada lagu dhamaystirayo heshiiska.

2.Frenkie De Jong -> Man United:

Kooxda Man United oo u muuqata kooxaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan ayaa sidoo kale Barcelona kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong Kadib wadahadalo muddo todobaadyo ah socday.

Red Devils ayaa haatan kalsooni buuxa ku qabta saxeexa iyada oo ay haatan ka dhimantahay heshiiska kaliya in ay xiddiga la gaadho heshiiska shaqadiga ah.

3.Nathan Ake -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Man City kuwaas oo ay ka doonayaan xiddigeedii hore ee Ake.

Man City iyo chelsea ayaa ku dhaw in ay ka heshiiyaan qiimaha xiddiga iyada oo ay Man City dalbanayso in ay ku hesho xiddiga lacag dhan 46 milayn oo euro.

4.Kalidou Koulibaly -> Chelsea:

Thomas Tuchel ayaa haatan dareenkiisa u jeediyay in uu xoojiyo difaaca dhexe kadib markii ay laba xiddig ka tageen kooxda.

Blues ayaa haatanba Napoli kala heshiisay saxeexa xiddiga waxana uu xiddiga reer Senegal saaka tijaabada caafimaadka ugu maray magaalada London.

Kalidou Koulibaly Ayaa haatan sugaya in si Rasmi ah loogu dhawaaqo saxeexiisa una naqdo saxeex cusub oo kooxda chelsea ah.

Leave a Reply