“Ujeedadayadu waa in Wacyigelin aanu sameyno, Sababto ah Xuduudaha hawlo waa weyn ayaa ka Taagan,”Taliye Xiirane

0
596

Borama (Dawan) Taliyaha cusub ee laanta socdaalka Somaliland sarreeye guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane)  ayaa socdaal shaqo ku tagay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Hawlaha shaqo ee  taliyaha cusubi uu ku tagey magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, waxa ka hadlay duqa magaalada Borama Maxamed Axmed Warsame iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), oo taliyaha warbixin ka siiyay xaalada dadka aan Somaliland u dhalan ee ku sugan magaalada Borama iyo guud ahaan gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo maayirka magaalada Borama waxay taliyaha laanta socdaalka uga mahadceliyeen socdaalkan uu ku yimi magaalada Borama, iyaga oo u balanqaaday in muddada uu joogo ay kala shaqeyn doonaan arrimaha uu gobolkaasi u yimi.

Ugu danbeyn taliyaha laanta socdaalka Somaliland sarreeya guurto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa sheegay in socdaalkiisani salka ku hayo dardargelinta hawlaha shaqo ee ciidanka laanta socdaalku ka hayaan gobolka Awdal.

Taliye Xiirane waxa uu balanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta ciidanka laanta socdaalka ee gobolka Awdal, maadama gobolkaasi yahay mid xuduud la leh dalalka aynu dariska nahay ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxaanu yidhi.“Waxyaabaha na horyaala iyo wixii aad nala qaban karaysaan, wacyigelin in aanu sameyno, sababto ah xuduudaha hawl weyn ayaa taagan, ama mukhaadaraad haka soo galo ama ajaanib haka yimaado, sidii aynu wax uga qaban lahayn ayaynu ka tashanaynaa.

Gobolkasta waxa la rabba in uu isku tashado oo guddoomiyaha iyo duqa degmaduba haddii aan waxba lala qaban aanay waxba qaban karin, ana aan hadda eego taliskayagu waxa uu wax ka qaban karayo iyo waxa uu keeni karayo,”

Leave a Reply