Wajigii Afraad ee kulanka Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka oo ka Furmay magaalada Hargeysa

0
360

Hargeysa (Dawan) Wajigii afraad ee kulanka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ayaa ka furmay magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga hadlay arrimo kala duwan.

Kulankan oo ay yeesheen xubnihii ka kala socday  saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa arrimihii lagaga hadlay waxa sharaxaad ka bixiyay siyaasi Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil (Jirde), oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Waxaanu yidhi.“Waxa aanu maanta isugu nimid kulan saddexda xisbi ah, oo ka dhashay shirkii madaxtooyada, ayaa la isla qaatay in xisbiyadu ay si gaar ah isu sii arkaan, shir wanaagsan ayaa noo dhacay, si ixtiraam iyo milgo leh ayaa qola walba rayigeedii u cabirtay.

Marka hawsha ku xigtaana waa maalinta Axada haddii ILLAAHEY yidhaahdo, iyada oo la isu dhan yahay in madaxtooyada la isugu tago, halkaasina laga sii anbaqaado aad iyo aad ayaanu ugu mahadcelinayna madaxda saddexda xisbi Qaran, ee sida walaaltinimda ah ee ixtiraamka iyo milgaha leh u dooday ee u wada hadashay,”

 

 

 

 

Leave a Reply