Wasiirka Maaliyadda oo Furay Shirka Qiimaynta Waaxyaha Wasaarada

0
406

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shide ayaa shalay furay  shirka saddex biloodka ah ee Waxqabadka iyo Qiimaynta waaxyaha Wasaaradaas.

Sacad Cali Shide  oo hadal ka jeediyay furitaankii shirkaas ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay hormood ka tahay dabaqaada dhaqangalinta iyo fulinta maamul wànaaga,waxaanu intaa ku daray in shirkan lagu qiimayno hawlihii shaqo ee u qabsoomay saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.Waxaanu yidhi”Wasaarada Maaliyadda ayaa waxa ay hormood ka tahay dabaqaada ama dhaqangalinta iyo fulinta maamul wànaaga, waxa uu leeyahay Maamul Wanaaga  saddex tiir oo waawayn qorshaha  fulinta iyo Qiimaynta.shirkan aynu Maanta(shalay) iskugu nimid wàa shir àynu ku qiimaynayno hawshii inoo fushay saddexdii bilood ee ugu dambeeyay,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa  tilmaamay  in sannadkii afar jeer uu qabsoomo shirkani.Waxaana uu yidhi “Sannadkii afar jeer ayaynu qabsanaa shirkan oo kale si aynu ugu qiimayno hadba halka ay xaaladu marayso,oo hore ugu ruqaansano wixii inaga dhiman oo aynu saxno wixii inaga  Khaldan,markaa waa shir aad iyo aad u qiimo badan waxaana aan u mahadcelinayaa agaasime waxeedyada iyo saraakiisha Wasaarada Maaliyadda hawsha qiimaha badan ee ay gacanta ku hayaan,”.

 

Leave a Reply