Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo Kormeer Kedis ah ku Tegay Xafiisyadda Wasaarradaha Dawladda ee Gabiley

0
415

Gabiley (Dawan): Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay kormeer kedis ah ku tegay xafiiska wasaaradda xananadda xoolaha iyo khayraadka Kalluumaysiga ee gobalka Gabiley.

Kormeerkaasi oo uu badhasaabku ugu kuur gelayay habsami u socodka hawlaha shaqo ee xafiiskaasi, waxaa warbixin ku siiyay markii uu gaadhay isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Gabiley Cali Bashiir.

Waxaanu isuduwuhu uga warbixiyay badhasaabka hawlaha shaqo ee ka socda wasaaradda oo ay ka socoto shaqo aad u balaadhan, taasoo ay wadaan shaqaalaha wasaaradda xanaanadda xoolaha oo uu hormood u yahay isuduwaha wasaaradda ee Gabiley.

Waxaanu badhasaabku soo kormeeray qaybaha kala duwan ee wasaaradu ay kooban tahay sida xafiisyadda kala duwan iyo xarunta shaybaadhka xoolaha, iyo qaybaha kale.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa kula dar-daarmay shaqalaha iyo masuuliyitin wasaarada in halkaa laga sii waddo wakhtiga shaqada qarankana la dabakho oo bulshadda loo adeego, isagoona ka warbixiyay u jeedadda uu ka lahaa kormeerkan kediska ah iyo waxa uu daaran yahay.

Waxaanu yidhi, “U jeedka ugu weyn ee aanu halkan u nimid, iyo muhiimadeenuba waxa weeye, maadaama oo wadankeena roobabkii la filayay xiligii la sugayay aanu di’in, in la xaal ogaado… inagu na xoolo dhaqato ayaynu nahay. Maadaama oo abaarta jirta awgeed ay xoolo aad u badani magaalooyinka soo galeen oo ay dhex wareegayaan in la xaal ogaado doorka wasaaradda xanaanadda xoolaha, darteed ayaanu xafiiska u soo booqanay.

Ta labaad na waa shaqadayadii maalin laha ahayd, ee aanu xafiisyadda gobolka ee wasaaradda ku maraynay, iyadoo aan loo sii sheegin, in la tago, oo laga dul dhaco, si loo ogaado shaqadeedda, iyo waxa ay bulshadeena u hayso, ama ay u qabanayso qaranka”.

Geesta kale Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa isuduwaha wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee gobolka Gabiley iyo shaqaalaha kale ee xafiiskaasi ka hawl galaba uga mahad celiyay shaqadda weyn ee ay qaranka u hayaan, iyo sida ay bulshadda ugu adeegayaan.

“Isuduwe, waan idiinka mahad naqayaa shaqadda aad qaranka u haysaan, waana shaqo aad u muhiim ah. Xanaanadda xooluhu na waa halka ugu muhiimsan, oo haddii xoolo caafimaad qaba aynu helno, Cad iyo Caano ba waan ka dher gaynaa. Haddii shaqadeenu aanay sidii la rabay loo qaban na, labadaasiba cidhiidhi ayay inagu noqonayaan” ayuu yidhi Cabdiqani Jiidhe.

Leave a Reply