Siddeed Xiddig oo ay Real Madrid Kooxdeeda ka Fasaxayso Suuqan

0
289

Kooxda Real Madrid ayaa haatan suuqa ku jirta balse inta ay saxeexyo cusub ka fikirayso in ka badan waxa ay ka fikiraysaa sida xiddigaha aan muhiimka ka ahayn kooxdeeda iskaga diri lahayd.

Sida lagu sheegay wargeyska MARCA ee fadhigiisu yahay magaalada Madrid, siddeed ciyaaryahan oo suuqa ay dhigtay Los Blancos ayaa kala ah Marco Asensio, Dani Ceballos, Mariano Diaz, Borja Mayoral, Alvaro Odriozola, Takefusa Kubo, Jesus Vallejo iyo Reinier Jesus.

Real Madrid ayaa ilaa haatan suuqeedu yahay mid dhaq-dhaqaaq fiican iyaga oo kala soo wareegay Antonio Rudiger oo bilaash ugaga yimid Chelsea iyo Aurelien Tchouameni oo 80 Milyan oo euro ugaga soo biiray AS Monaco.

Haatan waxay u muuqataa inay xooga saarayaan sidii ay iskaga iibin lahaayeen ciyaaryahanada qaar, Asensio iyo Ceballos ayaa noqonaya labada xiddig ee iibkooda ay inta ugu badan hadal hayaan taageerayaashu.

Labadaas xiddig ee ree Spain ayaa ku jira da’aha dhexe ee labaatanka waxaana ay muujiyeen inay yihiin xiddigo kooxda anfacaya marka loo baahdo balse uma muuqdaan kuwo heshiisyo cusub loosoo bandhigayo.

Marka laga yimaado Asensio iyo Ceballos, dhammaan lixda magac ee kale ayaan ahayn kuwo layaab leh maadaama oo uusan midkoodna mar joogto ka noqon shaxda Madrid.

Gaar ahaan Kubo ayaa ku fashilmay inuu wixii laga filayay muujiyo maadaama lagu naanaysayay “Japanese Messi” markii ay kooxdu lasoo wareegtay.

Kooxda dhawaan kusoo guuleysatay Champions League ayaa horeba kooxda uga dirtay Gareth Bale, Marcelo iyo Isco oo heshiisyadoodu dhaceen halka Luka Jovic ku biiray Fiorentina.

 

Leave a Reply