Guddoomiye Khaliif oo ka hadlay Dhexdhexaadintii ay ka Dhex wadeen Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridka

0
264

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)  Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in ay ku guuldaraysteen isku soo dhawaynta mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland.

Guddoomiye Khaliif oo isaga iyo guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ay ku howlanaayeen dhexdhexaadinta xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, ee doorashooyinka isku khilaafsan, ayaa sheegay in dhinacyadu darafyo kala fog kala istaageen, sidaana wadahadaladu ku burbureen.

Waxaanu yidhi.“Cidda aanu u dhaxaynay waxa ay ahayd madaxweynaha iyo xukuumadda uu hoggaaminayo, iyo asxaabtii mucaaridka ahayd, wixii aanu ku dhex joognayna waanu ku celinay jawaabtooda, iyaguna way sheegeen, ismanaan lahayn war danbe ayaa la idinka sugayaa,

Runtii waxa aanu isku daynay in aanu isku soo dhawayno dhinacyadii dantu ka dhaxaysay, tallaabooyin fiican oo aanu markii hore qaadkay way jireen in aanu isa soo hor fadhiisino, maxaabiistii xidhnaydna la siidaayo, balse  nasiib daro markii u danbaysay waxa la istaagay laba daraf oo aad u yar kala fog”

Khaliif waxa uu sheegay in dhinaca mucaaradku kalsooni siiyeen balse madaxweynuhu ka cudur daartay in uu kalsooni siiyo,

Waxaanu yidhi.”Qolada mucaaradka ahi dacwadoodii ayay noo keeneen, waxayna noo sheegeen in ay kalsoonidii nagu wareejiyeen, balse  madaxweynuhu arrinta wuu ka yar cudur daartay, oo waxa uu sheegay in uu xaga sharciga ka marayo”.

 

Waxa uu sheegay in kadib markii ay ku guuldaraysteen in ay dhinacyada isku soo dhaweeyaan ay joojiyeen dhexdhexaadinta, si dhibaato aanay u dhinic iyaguna aanay ugu dhexdaalin, sida uu hadalkiisa u dhigay.

 

Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland ayaa isku khilaafsan ta soo horaynaysa doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada siyaasada, madaxtooyada ayaa aaminsan in doorashadu urruradu soo horaynayso, halka mucaaradkuna ay ku doodayaan in doorashada madaxweynuhu soo horayso.

Leave a Reply