Koox Weyn oo Dalab ka Gudbisay Weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino

0
437

Weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino oo boos la’aan ku ah Liverpool ayaa dalab ka helay mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub, taas oo doonaysa inay la saxeexato xagaagan, iyadoo u ballan-qaadaysa boos joogto ah iyo mushahar fiican.

Darwin Nunez oo xagaagan yimid Anfield  ayaa la filayaa inuu noqdo dookha koowaad ee tababare Jurgen Klopp, isaga oo kusoo bilaaban doona weerarka dhexe, waxaana kaydka u fadhiya Diogo Jota oo xagaagii horena ka fursado fiicnaa Roberto Firmino.

Tababare Jurgen Klopp ayaa la rumaysan yahay in uu dookha koowaad iyo kan labaadba ka dhigan doono Darwin Nunez iyo Diogo Jota, halka Roberto Firmino oo sannad kali ahi ka  hadhsan yahay qandaraaskiisana uu u haysanayo dookh saddexaad oo uu ciyaarsiiyo haddii ay dhaawacmaan Nunez iyo Jota, amaba kulamada qaarkood ku adkaadaan.

Roberto Firmino oo isaguna doonaya inuu helo boos joogto ah si uu xulka qarankiisa Brazil ugala qayb-galo Koobka Adduunka ee bisha November ka bilaabmi doona waddanka Qatar ayaa waxa uu albaabada u furay in uu ka tago Anfield oo uu guulo waaweyn ku gaadhay, inkasta oo Klopp ku adkaysanayo in aanu sii deynayn.

Sida ay warbaahinta ciyaaraha ee Ingiriisku qoreen, Liverpool ayaa waxa soo gaadhay dalab rasmi  ah oo uga yimid Juventus oo doonaysa inay la saxeexato weeraryahanka reer Brazil, si uu ugu buuxiyo booskii uu banneeyey Paulo Dybala oo si xor ah ugu wareegay Roma.

Inkasta oo ay Juventus hore ula saxeexatay Angel di Maria iyo Paul Pogba oo ay si xor ah ugala soo wareegtay PSG iyo Manchester United, waxay haddana €23 milyan oo Euro dul-dhigtay Roberto Firmino oo ay u arkaan beddelka ugu habboon ee Dybala si uu u caawiyo weeraryahanka reer Serbia ee Dušan Vlahović.

Firmino oo ay da’diisu tahay 30 jir ayaa xilli ciyaareedkii tegay inta badan u jiifay dhaawacyo ragaadiyey, waxaana uu kaliya dhaliyey 11 gool iyo shan uu caawiyey 35 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay, kuwaas oo uu intooda badan beddel kusoo galay.

Leave a Reply