Jules Kounde oo Iska Diiday Chelsea si uu ugu Biiro Barcelona

0
364

Difaaca dhexe ee kooxda Sevilla Jules Kounde ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu iska diido Chelsea si uu ugu biiro kooxda Barcelona xagaagan.

Xiddiga reer France ayaa bartilmaameed u ahaa chelsea sanadkii ugu dambeeyay waxaana ay hore ugu fashilantay saxeexiisa labadii suuq ee ugu dambeeyay.

Chelsea ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay xidiga xagaagan waxaana la fahamsan yahay in ay kooxda Sevilla kala heshiisay qiimihiisa.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa haatan Chelsea si xoogan ugula tartamaysa saxeexiisa iyada oo Xavi doonayo in uu helo xiddiga.

Sida laga soo xigtay wargayska AS, Kounde ayaa haatan doortay in uu iska diido kooxda chelsea si uu ugu biiro kooxda Barcelona.

Barcelona iyo Sevilla ayaa la sheegayaa in ay haatan ka wada-hadalayaan saxeexa xiddiga reer France si ay uga heshiiyaan qiimihiisa.

 

Leave a Reply