Dawlada Hoose ee Hargeysa oo Xeraysay 234 Neef oo Geel ah

0
346

Hargeysa (Dawan):-Dawlada Hoose Hargeysa ayaa shalay gacanta ku soo dhigtay Geel ku sugnaa gudaha  Caasimadda isla markaa xeraysay una dirtay farriin kama dambays ah cid kasta oo Geel ku haysata magaalada gudaheeda

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa uu sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen 234 Neef oo Geela,waxaana uu intaasi ku daray in la gaadhay wakhtigii la gayn lahaa  Dhuldaaqsimeedka Magaalada ka baxsan.

Cabdikariim Axmed Mooge oo Arimahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa Magaalada gudaheeda laga soo qabtay
234 Neef oo Geel ah waxaana uu ku xaraysanyahay meesha loogu talo galay,dadka Geela  leh waxa aanu u sheegaynaa in dulqaadkii uu dhamaaday. waxaana la gaadhay wakhtigii geeliisa gaysan lahaa Dhuldaaqsimeedka Magaalada ka baxsan,dadka reer Hargeysa waxa farayaa in gacan ka gaystaan marka Shaqaalaha Dawlada Hoose soo qabanayaan.Geela Magaalada dhex daaqaya dhibaato badan ayaa ka soo gaadha  shaqaalaha Dawlada Hoose  shacabka oo difaacaya ka sharciga ku gafay ee Magaalada keenay Geela,Magaalada guriga ugu kooneeya haduu soo dhaafo Geelu sharci qabanaya ayaa jira.anagu dhib kulama jeclin Geelaaga gayso meesha loogu talo galay ee Dhuldaaqsimeedka, xeer ayaana sheegaya Ganaaxyada ku waajibaya  marka  Geela lala wareegayo si aanay u dhicin in Geelaaga lala wareego mar hore Geela hakeenin Magaalada,”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply