Manchester City oo Dalab Cusub ka Gudbinaysa Xiddiga Marc Cucurella

0
402

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dalab cusub ka gudbiso saxeexa difaaca kooxda Brighton & Hove Albion Marc Cucurella.

Todobaadkii hore ayay Brighton dalab 30 milyan ah ka diiday kooxda Man City iyada oo dalbanaysa lacag dhan 50 milyan oo euro.

Man City ayaa haatan diyaarinaysa dalab cusub oo ay ku dalabanayso xiddiga reer Spain si ay ugu xoojiyaan difaaca ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Guardiola ayaa Cucurella u arka badalka Oleksandr Zinchenko kaas oo todobaadkii hore ku biiray kooxda Arsenal kana tagay City.

Wargayska Sport, ayaa sheegaya in ay Man City maalmaha soo socda dalab cusub oo ka sareeya midkii hore miiska u saari doonto kooxda Brighton.

Xiddiga Cucurella ayaa la sheegayaa dhankiisa in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday saxeexa xiddiga difaaca Sevilla ee Jules Kounde oo ay si qarsoodi ah xiddiga ugu shaaciyeen website-kooda.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda Sevilla suuqa xagaagan iyada oo Barcelona saxeexa xiddiga kula tartamayso kooxda chelsea.

Bilowgii bishan Kounde ayaa u muuqday mid ku dhawaa ku biirista kooxda chelsea kadib markii ay Chelsea iyo Sevilla ka heshiiyeen qiimo lacageed oo dhan 55 milyan oo euro.

Si kastaba ha ahaatee xiddiga ayaa iska diiday ku biirista kooxda Chelsea isaga oo doortay in uu sii joogo La Liga kuna biiro kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaan weli si toos ah u xaqiijin in ay Sevilla kala heshiisay saxeexa xiddiga Kounde laakiin waxa ay u muuqdaan in ay xiddiga ku shaaciyeen Website-kooda.

Wesbite-ka Barcelona ayaa lagu shaacinayay Lambarada ay xiddigaha kooxdu xidhan doonaan xilli ciyaareedka cusub laakiin waxa ku jiray Liiska xiddiga Kounde inkasta oo aan la shaacin lambarka uu xidhan doono.

Leave a Reply